Hogaan ka Tirsan Kooxda Xag Jirka ah ee AlShabaab oo Ku Soo Fool Leh Buuralayda Gal Gala
Xarar Dheere 17.Feb 2014 (SDN)- Saraakiil Millatari iyo ciiddammo aad u tiro badan oo ka tirsan kooxda Al-Shabaab ee ka dagaalanta koonfurta Soomaaliya ayaa la sheegay inay ku soo jeedaan dhanka buuralayda Gal-gala oo ay ku dagaalamaan Maamul goboleedka Puntland iyo kooxo taabacsan Al-Shabaab oo buuralaydaa ku sugan.
Waxaa maanta Degmada Xarardheere ee gobolka Mudug gaadhay Saraakiil uu hor kacayay Sheekh Fu’aad Maxamed Khalaf (Fu’aad Shongole).kuwaasoo ku jahaysan sida la sheegy ku wajahan buularayda Galgala
Sheekh Fu’aad Shongole iyo ragga kale ee la socda, ayaa waxaa lagu wadaa in ay doonni ka raacaan Xeebta Degmada Xarardheere, si ay Xeebaha gobolka Bari kaga tallaabaan Buuraha Galgala.
Saraakiisha la socoto Fu’aad Shongole, ayaa waxaa ka mid ah Sheekh Xasan Maxamuud Takar, waxayna gebi ahaan ka soo wada jeedaan deegaanada Puntland.
Saraakiishan, ayaa waxay ka kala yimaadeen Ceelbuur, Buulo Burde iyo deegaanada kale, ee ay Shabaabku ka jooggaan gobolada Dhexe, oo la sheegay in ay dhaq dhaqaaqyo Ciidan ka wadaan Ciidamada Itoobiya.
Saraakiishan Millatari ee uu hor kacayo Fu,aad Shanqoole,ayaan la garanayn sababta ay xilligan ugu soo kicitimeen dhanka Puntland inay tahay xaalad dagaal oo ay halkaa ka bilaabayaan iyo inay tahay bur bur iyo kala yaac soo food saaray kooxda Al-Shabaab taasoo sababtay in koox waliba ay ku noqoto deegaannada ay ka soo jeedeen dhalasho ahaan.
Xarar Dheere SDN.
Qurbejoog.com