|

Hogaamiyihii ugu horeeyey ee Carbeed oo kulan la qaadanaya Madaxweyne Donald Trump

Washington 29. January 2017 (SDN/QJ):- Boqorka dalka Urdun, C/llaahi Bin Xuseen Bin Talaal ayaa la filayaa inuu maalinta Isniinta ee beri booqasho uga bilaabato dalka Maraykanka.

 

Waxaa uu noqon doonaa hogaamiyihii ugu horeeyey Carabta ee la kulma Madaxweynaha cusub ee Maraykanka Donald Trump.

 

Booqashadiisa ayaa ku soo beegantay iyadoo Donald Trump uu saxiixay amar lagu xairayo Qaxootiga iyo dadka kale ee ka imaanayo dalalka muslim ah sida Somalia, Sudan, Yemen, Iran, Iraq iyo Libya.

 

Boqorka dalka Urdun, C/llaahi Bin Xuseen Bin Talaal waxa uu todobaadkan booqday dalka Raashiya, isagoo Madaxweyne Vladamir Putin kala hadlay xiriirka labada Waddan iyo Xiisadaha ka taagan dalalka Syria iyo Iraq iyo dalal kale.

Comments are closed