|

Hogaamiyihii Talibaanka Pakistan oo Mareykanku khaarijiyay

Peshawar Nov 02,2013(SDN)-War laga soo xigtay bulshada sirdoonka Mareykanka ayaa sheegaya in ciidamada Mareykanku ay khaarijiyeen madixii kooxda Talibanaka Pakistaan Hakimulah Mehsud.

Dilkan ayaa ciidamada Mareykanku u isticmaaleen duyuuradaha sirdoonka Mareykanka ee aan cidi wedin ee Droneska loo yaaqaan.

Dilkan ayaa mushkilad ku noqon kara wadahadal ay Talibaanku la galaan dawlada dalka Pakistaan.

Mehsuud ayaa Mareykanku aduun dhan 5 million oo dollar ka dib kolkii lagu eedeeyay in ka danbeey dil loogu geystay Afgaanistaan sirdoonka Mareykanka.

Ma aha markii u horeysay ee la shaaciyo in Mehsud la dilay,2010kii ayaa sidan oo kale Mareyknaku sheegeen in ay hogaamiyahan da’ada yar dileen mudo ka dibse waxa la arkay kiyoo nool.

Haatanse dilka hogaamiyahii Talibaanka ee dalka Pakistan waxa xaqiijiyay sirdoonka Pakistaan iyo xubno ka tirsan Talibaan.

Hakimulah Mehsud oo 34 jir uun ahaa ayaa xilga duqeynta lagu dilay waxa uu ku sugnaa degaanka Dande Derpa Khel oo dhacda woqooyiga Waziristan,halkaa oo ay uga arinsanayeen wadahadalada ay la gelayaan dawlada Pakistaan.

Dawlada Pakistaan ayaa hore u muujisay sida ay uga soo horjeedo weerarada Mareykanku ku qaado mintidiinta dalkaasi oo dad shicb ahi ku dhintaan.

SDN-Peshawar
contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed