Hogaamiyeyasha shirka Madasha wada tashiga oo isku afgartay hanaanka mataalada aqalka sare ee G/Banaadir
Muqdisho 06.Aug 2016 (SDN/QJ):- Madaxtooyada Somalia ayaa goor dhow war-saxaafadeed ka soo saartay shirka madasha wada tashiga Qaran ee ka socda magaalada Muqdisho.
War-saxaafadeedka oo uu ku saxiixnaa afhayeenka madaxtooyada Daa’uud Aweys ayaa waxaa lagu sheegay in madaxdu ay illaa hadda isku raaceen qodobo muhiim ah oo ay ka mid yihiin hanaanka mataalada aqalka are ee G/Banaadir iyo dhismaha maamulka gobolada Hiiraan iyo Sh/dhexe,iyadoo war-saxafaadeedku u qornaa sidatan:-
WAR-SAXAAFADEED
Shirka Madasha madaxda Dowladda Federaalka iyo Dowlad Goboleedyada Somalia ayaa weli si habsami leh uga socda Muqdisho, iyadoo la rajeynayo in beri si rasmi ah loo soo afjaro.
Ilaa iyo haatan waxaa uu shirku ku tallaabsadey horumar la xiriira dedejinta arrimaha doorashada lagu wado inay sannadkan dalka ka dhacdo, sida meel marinta miisaaniyadda doorashada, hannaanka mataaladda Aqalka Sare ee gobolka Banaadir, iyo xubnaha ka iman doona beelaha ka soo jeeda Somaliland.
Waxaa sidoo kale la isku afgartey in deg-deg loo soo dhiso maamulka ka dhexeyn doona gobollada Shabeellaha Dhexe iyo Hiiraan, iyo in si buuxda loo taageero hawlaha guddiga doorashada ee heer federaal oo xil weyn iska saaray sidii doorashadan ay u najixi lahayd.
Shirkan ayaa waxaa ka qeybgalaya Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, Ra’iisul Wasaare Cumar Cabdirashiid Sharma’arke, Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka, Maxamed Cumar Carte iyo madaxda dowlad goboleedyada dalka ka dhisan.
Waxaa la filayaa in gebagabada shirka laga soo saaro war murtiyeed qeexaya qodobada la isku afgartey.