Hogaamiyeyaasha Xisbiyadda Kulmiye iyo Waddani oo ka hadlay Digniin ay u Jeediyeen Guddida anshaxa ee Komiishanka doorashooyinka Qaranka Iyadoo Midba Mid ku Eedeeyay inuu Sameeyay Olole Siyaasadeed DAAWO
Hargeysa 17. July 2017 (SDN/QJ):- Waxaa Bilowgii Todobaadkii tegay ka bilaabmay Gobolada Maroodi Jeex Iyo Togdheer Wejigii Kowaad ee Hawlgalka Qaadashadda Kaadhka Codbixiyaha ee lagu galayo doorashooyinka inagu soo fool leh.
Hogaanka ugu sareeya ee Xisbiyada Kulmiye iyo Waddani ayaa Isugu Tagay Magaaladda Burco Isla markaana Mid kastaaba uu Markii danbe u baqoolay Jiido ka tirsan Gobolkaas si ay dadweynaha ugu wacyigeliyaan qaadashadda Kaadhka Codbixiyaha.
Hasa yeeshee Xisbiga Mucaaridka ah ee Ucid ayaa Dacwad ka dhan ah Labadaas Xisbi qaran u Gudbiyey Komiishanka Doorashoooyinka Qaranka Iyagoo ku dooday in labada Xisbi ee Kulmiye iyo Ucid ay baal mareen Heshiiskii ay kala saxeexdeen ee ilaalinta anshaxa kaadh qaadashadda una bedeleen Olole Siyaasadeed oo ay dadweynaha kaga dalbanayaan inay Codkooda siiyaan.
Guddida Anshaxa Kaadh qaadashadda Codbixiyeyaasha ayaa ka Jawaabay Dacwada Xisbiga Ucid iyagoo Sheegay in labadaas Xisbi ay Sameeyeen arrimo ka hor imanaya Heshiiskii ay Saxeexeen isla markaana ay Kaambayn Siyaasaddeed u badaleen wacyigelintii waxayna u direen fariin ah inay ku soo noqdaan Xayndaabka uu Sharcigu u banneeyay.
Hadaba Gudoomiyaha Golaha Wakiiladda ahna Murashaxa Jagadda Madaxwweyne ee Xisbiga Waddani Mudane C.raxmaan Maxamed C.laahi Cirro Iyo Gudoomiye Ku Xigeenka 1aad ee Xisbiga Kulmiye Mudane Maxamed Kaahin Axmed ayaa Jawaab ka bixiyey Digniinta uga timid Guddida anshaxa Kaadh qaadashadda,Waxaa kale oo labadan Mas’uul ay ka hadleen inay Jirto Olole Siyaasadeed oo Kaadh qaybinta ay dhex geliyeen iyadoo Midba midka kale uu ku eedeeyay inuu Sameeyay Kaambayn aan Xiligiisii gaadhin.