|

Hogaamiyeyaasha Maamul-Gobleedka Catalonia Oo Wajahaya Culays Gudaha Ah Iyo Mid Caalami Ah, Oo Lagu Saaro In Aanay Ku Dhawaaqin Madax Bannaani!!

Spain 11. October 2017 (SDN/QJ):- Cadaadiskan ayaa ku soo beegmaya iyada oo uu baarlamaan goboleedka Catalonia uu kal-fadhi yeelanayo, oo ay kooxaha madax bannaanida doonayaa ay u balansan yihiin inay ku dhawaaqaan madax bannaani. arrinta madax bannaanida waxa cabsi weyn ka qaba midowga yurub oo ay ka horimanayso danahooda midnimo.

Madaxda siyaasada dalka Isbayn ayaa ugu baaqay siyaasiyiinta gooni-u-goosatada ah inay xaalada dejiyaan oo ay dalkooda hoos u eegaan, sidoo kale farah ay ka qaadaan wax kasta si loo ixtiraamo sharciga dalka u yaalla.

Dalka Faransiiska ayaa sheegay in gobolka Catalonia aanu heli doonin wax aqoonsi ah haddii uu gooni isu taago.

Boqolaal kun oo qof ayaa iskugu soo baxay inta badan magaalooyinka waaweyn ee dalka, iyaga oo ka soo horjeeday inuu gobolka Catalonia gooni uga baxo dalka intiisa kale. waana xaaladii siyaasadeed ee ugu xumayd ee dalka Isbayn soo martan tan iyo xilligii ay qaateen dimuquraadiyada sannadkii 1970.

Xaalada waxa sii murgiyey markii ay boolisku xoog ku galeen goobihii codbixintii uu gobolka Catalonia aftida ugu qaadayey madax bannaanida. madaxweynaha maamul-gobleedka Catalonia ayaa sheegay inay madax bannaani ku dhawaaqi doonaan haddii ay xukuumada Isbayn diido miiska wadaxaajoodka.

Comments are closed