Hogaamiyeyaal Lagu Sifeeyay Dagaal Oogayaal oo Misana La siiyay Abaal Marinta Caalamiga ah ee Nabada & Qofka Qudha ee abid diiday in lagu Maamuuso Abaal marintaas!!
New York 18. October 2017 (SDN/QJ):- Hoggaamiyaha dalka Miyanmaar haweenayda lagu magacaabo Aung San Suu Kyi ayaa noqotay hoggaamiyihii ugu dambeeyey ee liiska hoggaamiyeyaal tiro badan oo ku guulaystay abaalmarinta caalamiga ah ee Nabadda, laakiin lagu hungoobay kadib markii ay sabab u noqdeen ama huriyeen colaado lagu hoobtay.
Suu Kyi ayaa dhalleecayn caalamiya loo jeediyey, dadka ugu ereyada caddaa ee cambaareeyeyna waxaa ka mid ah Baaderiga Diisumuund Tuutu oo isaguna ku jira dadka dunida ee ku guulaystay abaalmarintan. Baadarigu waxa uu sheegay in Suu Kyi aanay qaadin tallaabooyin ku filan in ay joojiso xasuuqa ay Qaramada Midoobey u aqoonsatay dil iyo kufsi wadareedka ee ciidamada dalkeeda iyo maleeshiyooyinka taageersani ay ku hayaan muslimiinta.
Aung San Suu Kyi ayaa sannadkii 1991-kuu ku guulaysatay abaalmarinta caalamiga ah ee nabadda, kadib markii loo aqoonsaday in ay tahay halgamaa si nabadgelyo ah ugu dagaalamay dimuqraadiyadda iyo xuquuqda aadamaha.
Bilowgii hore dad aad u badan ayaa soo dhoweeyey abaalmarinta caalamiga ah ee gabadhan la siiyey, laakiin markii dambe niyadjab la kulmay kadib markii la arkay in xitaa ay dhalleecayn kari weyday xasuuqaas.
Abaalmarinta caalamiga ah ee Nobel Peace Prize sannad kasta waxaa loo gartaa qof ka mid ah murashaxiin u tartama abaal marintan waxa aana la eegaa dadaalka uu u galay nabadda aslaaxinteeda. Lakaiin nasiibdarradu waxa ay tahay in dadkan la siiyey abaalmarinta nabadda ee caalamiga ahi aanay ixtiraamin nabadda adduunka ee abaal marintan lagu bixinayey.
Raysalawasaarihii Israa’iil Manaaxiim Begin ayaa sannadkii 1982-kii amar ku bixiyey in ay ciidamadiisu qabsadaan dalka Lubnaan. Afarkan Manaaxiim waxa uu afar sano oo keliya ka dambeeyey markii isaga iyo madaxweynihii hore ee Masar Anwar Saadaat ay qaybsadeen abaalmarinta caalamiga ah ee nabadda. Labada nin ayaa sababta abaalmarinta loo siiyey ay ahayd heshiiskii nabadda iyo xidhiidhka diblumaasiyadeed ka dhex abuuray labadooda dal.
Madaxweynihii hore ee Falastiiniyiinta Yaasir Carafaat, Raysalwasaarihii Israa’iil Isxaaq Raabbiin iyo Shimoon Beerees oo madaxweyne iyo raysalwasaaraba ka soo noqday Israa’iil ayaa 1994-kii la wadaajiyey abaalmarinta sannadkaas ee Nobel Peace Prize. Laakiin Yaasir Carafaat kama uu tanaasulin halgankii hubaysnaa ee uu dhulkiisa kaga soo dhacsanayey Yuhuudda, sida oo kale labada hoggaamiye ee Yuhuudda ahi waxa ay sii wadeen dagaalkii dhiiggu ku daadanayey ee ay ku hayeen Falastiiniyiinta. Sannadkii xigay abaalmarinta ayaa Yuhuudi xagjir ahi uu toogasho ku dilay Isxaaq Raabbiin sannadkii 1995-kii waxa aana kursigiisii fadhiistay Shimoon Beerees oo halkii ka sii waday daadintii dhiigga.
Sannadkii 1990 kii waxaa abaalmarinta nabadda ee caalamiga ah ku guulaystay Mikaa’iil Gorbajoof, kadib markii uu kaalin muuqata ka qaatay soo afmeeriddii dagaalkii qaboobaa. Laakiin sannadkii Nobel Peace Prize xigtayba Garbajoof waxa uu sannadkii 1991-kii dagaallo aad u qadhaadh ku qaaday dalalka ‘Baldiiq’ loo yaqaanno oo la tirsanaa midowga Soofiyati hase ahaato ee doonayey in ay ka goostaan. In kasta oo cudud milateri oo dhib badani ka dhalatay kadib uu ogolaaday in dalalkan oo ahaa Estooniya, Laatfiya iyo Lituwaaniya ay qaataan madaxbannaanida ay doonayeen.
Sannadkii 1973-kii abaalmarinta nabadda ee caalamiga ah waxaa wadaagay Heneri Kisenjar oo ahaa wasiirkii arrimaha dibadda ee Maraykanka iyo hoggaamiyihii Fiyaatnaamta Woqooyi Le Duc Tho. Labadan hoggaamiye ayaa abaalmarintan ku kasbaday isku day ay markaas wadeen oo ay doonayeen in ay ku soo afmeeraan dagaalkii Fiyaatnaam. In kasta oo labadan masuul loo gartay abaalmarintan, haddana ceebtu waxa ay ahayd in abaalmarinta loo gartay iyada oo aan la sugin in dadaalkooda nabaddu guulaystay, waana tii dhacday in uu guuldarraysto. Arrinta xiisaha lihi waa in hoggaamiyihii reer Fiyaatnaam ee Le Duc Tho uu diiday in uu guddoomo abaalmarinta loo gartay, isaga oo ku doodaya in aanay nabaddii keenin sidaa awgeed xaq u lahayn abaalmarintaas.
Abaalmarinta Nobel Peace Prize oo jirtay in ka badan 120 sano, waa markii ugu horreysay taariikhdeeda ee la arko qof inta uu ku guulaystay iskii u diiday in uu qaato abaalmarintaas.
Madaxweynihii hore ee Maraykanka Barak Obama ayaa isna sannadkii 2009 ku guulaystay abaalmarinta caalamiga ah ee nabadda. In abaalmarintan la siiyo Obama waxa ka dhashay doodo iyo shaki aad u badan oo hadheeyey. Arrinta aadka loo la’ yaabay waxa ay ahayd Obama oo abaalmarinta la siiyey isaga oo bilo yar uun laga joogo markii uu xilka madaxweynaha Maraykanka la wareegay. Waxa ay dad badani dood ka keeneen sababta Obama oo aan weli shaqo nabadeed qaban loo siiyey abaalmarinta. Xitaa madaxweyne Barak Obama ayaa qarsan kari waayey sida uu ula yaabay in uu abaalmarintan ku guulaystay, laakiin nasiibdaro ma’u yeelin sida hoggaamiyihii reer Fiyaatnaam oo ma’ uu diidin guddoomiddeeda. Shakiga iyo madowga badan ee abaalmarinta Obama hadhaysay waxaa sii badiyey in isla markii uu dabayaaqadii sannadkii 2009 ka soo degey magaalada Oslo ee xarunta dalka Noorwey si uu abaalmarintan u soo guddoomo uu haddana uu amar ku siiyey wasaaradda difaaca ee dalkiisa in saddex laab la kordhiyo tirada ciidamada Maraykanka ee ku sugnaa Afqaanistaan oo dabcan la ogaa in ay colaad iyo dagaalo lagu hoobtay faraha kula jiraan. Obama oo ka yaabban helidda abaalmarintan, maadaama oo uu ogaa xaalkiisa ayaa waxaa khudbaddii uu munaasabaddii lagu guddoonsiinayey ka jeediyey waxa uu ku sheegay in uu ka garaabayo muranka ka dhashay abaalmarinta la siiyey, isaga oo si gaar ah ula hadlaya guddida go’aamisa qofka loo xulayo abaalmarinta sannadkana waxaa hadalladiisa ka mid ahaa, “Is-dhego-marin ayaa ay noqonaysaa, in aan qiri waayo muranka weyn ee ka dhashay go’aankiinan sharafta leh” Obama oo sii wada hadalkan weji gabax ku ah guddida soo cugatay ayaa intaas ku sii daray, “Anigu waxa aan ka masuul ah in aan kumannaan dhalinyaro Maraykan ah (Askarta) u diro in ay ka dagaallamaan dhul aad u fog. Qaarkood wax ayaa ay dili doonaan, qaarkoodna iyaga ayaa la dili doonaa. Sidaa awgeed waxa aan halkan joogaa aniga oo dareemaya dhibta loollanka hubaysani leeyahay”
Waxaa xusid mudan in abaalmarinta Nobel Peace Prize ee sannadkan 2017 aan la siin qof gaar ah, balse lagu sharfay ol’olaha caalamiga ah ee tirtiridda hubka Nukliyeerka ah. Ol’olahaas oo dunida aad uga caan noqday muddooyinkan u dambeeyey ayaa lagu abaalmariyey guusha uu ka gaadhay in uu dareenka dadka dunida ku soo jeediyo masiibadan aadame-sameega ah.
Abaalmarinaha Nobe waxaa aasaaskeeda lahaa Saynisyahankii, Injineerkii, hal-abuurkii, ganacsadihii iyo samefalihii reer Sweden ee Alfred Nobel oo noolaa intii u dhexeysay 1833 illaa 1896.
Alfred waa ninkii ikhtiraacay Deynabada. Alfred Nobel oo maalqabeen ahaa, lacagtiisa badankeeda waxa uu ka faa’iday samaynta hubka iyo iibkiisa oo uu caan ku ahaa. Abaalmarinta Nobel oo hal qof iyo dad badan oo wadaagaba la siin karo waxaa la socda lacag u dhiganta 1 Milyan iyo 100 kun oo doolarka Maraykanka ah, taas oo qofka ku guulaysta la siinayo, haddii ay qof ka badan yihiinna loo qaybinayo.