Hogaamiye Xirsi Cali Xaaji Xasan Oo Ka Deyriyey In Ciidan Shisheeye Saldhig Laga Siiyo Bogcad Ka Mid ah Dhulka Somaliland
Hargaysa 14. February 2017 (SDN/QJ):- Hoggaamiyaha Xisbiga Waddani Xirsi Cali X Xasan ayaa cambaareeyey heshiiska Dawladda Imaaraadka Carabta iyo Xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland ee aasaaska u ah in madaarka Magaalada Berbera laga siiyo Imaaraadka Carabta Saldhig Millatari oo mudanayaasha labada Gole ee Guurtida iyo Wakiiladu fadhi wada jir ah ku ansixiyeen.
Xirsi oo arrintaasi ka hadlaya ayaa waxa uu yidhi “Marka hore waa ILAAHAY Mahadii, haddii aanan joogin oo aan ka maqanahay Madaxtooyada (Wasiirka Madaxtooyada), oo aanan ku soo gaadhin iyada oo ay doraad ay dhacday fool xummadani golihii Baarlamaanka gudaha loogu galay oo qaarna la xidhxidhay, qaarna la laayey, waa ILAAHAY mahadii, waxaanse ka xumahay oo aan aad u cambaareynayaa in xoog la adeegsado oo loo adeegsado Baarlamaan aan hubeysnayn oo aan qoryo sidan oo rayigooda ka hadlaya oo xaq u leh oo weydiinaya heshiis iyo sharci, runtii aad baanu uga xunahay oo Xisbi ahaan u cambaareynaynaa, waxaananu u aragnaa inay tahay arragti khaldan oo xadgudub ah”.
Xirsi waxa kale oo uu ka hadlay in saldhig Millatari Imaaraadka Carabta laga siiyo dhulka Somaliland “Hore ayaan uga hadlay in aanay sax aheyn in aynu ciidan qori sita oo shisheeye ugu baaqno dalkeena, iyada oo aanay jirin wax inagu kalifaya, inaga oo aan Ictiraaf Caalami ah helin oo ku siiya inuu ku ilaaliyo, ictiraafka Caalamiga ahi wuxuu macnaynaa inay dunidu kuu gurmato haddii lagu qabsado oo xoog lagaaga qaado, adiga oo aan sharciyadaa wali helin in ciidan qori sita aad ugu baaqdo dalkaaga, maan fileyn inaynu maanta xiise u qabno ciidan, waxase garanaya dhibaatada uu leeyahay Soomaaliyadii aynu kala gonay oo la ciirciiraya yaa naga saara ciidammada shisheeye, waxaana Farmaajo lagu doortay waa Ninkii kaliya ee ciidanka diidanaa ee lahaa hala saaro, markaa miyeynu is daba maraynaa oo xumaha ayeynu isku daba maraynaa waa ayaan darro aad u weyn, aad baanu uga soo horjeednaa waxaanu leenahay sharciga hala ilaaliyo oo jujuubka halaga daayo dadka”. Ayuu yidhi Xirsi Cali X Xasan