|

Hogaamiye ka Soo Jeeda Xisbiyada Mucaaridka Tunis oo la dilay,iyo Dawlada oo loogu baaqay inay Xilka ka Degto

Tunis 26.July (SDN) Waxaa shalay (khamiis) lagu dilay magaalada Tunis ee caasimada dalka Tuniisiya mid kamid ah hogaamiyayaasha Xisbiyada Mucaaridka ee dalkaasi.

Maxamed Brahmi ayaa hogaamin jiray dhaq dhaqaaqa (Popular Movement) wuxuuna sidoo kale xubin ka ahaa Baarlamaanka dalkaasi. Hogaamiyahan ayaa kamid ahaa mucaaridka sida weyn u dhaliila Xisbiga Islaamiga ah ee dalkaasi ka taliya ee loo yaqaan Ennahda.

Waa hogaamiyihii labaad ee mucaaridka oo lagu dilayo magaalada Tunis, iyadoo bishii Feberaayo sidan oo kale lagu dilay magaalada mid kamid ah xubnaha xisbiga Mucaaridka.

Shacabweyn ka xanaaqsan dilkan ugu danbeeyey ee shalay ka dhacay magaalada Tunis ayaa socod ku maray qeybo kamid ah magaalada caasimada iyagoo ugu baaqaya dowlada inay xilka isaga degto.

Ugu dambeyntii Iskaashatooyinka shaqada ayaa lagu wadaa maanta oo Jimce ah inay sameeyaan shaqo joojin lagu cadaadinayo dowlada Tunsiya.

Tunis SDN.

Qurbejoog.com

Comments are closed