Hogaamiye Cali Khaliif Galaydh oo Walaac Ka Muujiyey Saamaynta Abaarta, Baaqyo Gurmad & Nabadeedna kala diray DAAWO
Widh Widh 09. March 2017 (SDN/QJ):- Hoggaamiyaha Khaatumo Cali Khaliif Galaydh, ayaa ka dayriyey heerka xaaladda Abaarta ka taagan deegaannada gobolka Buuhoodle, waxaanu sheegay in Dadkii Xooluhu ka dhammaadeen ku soo barakacayaan Tuulooyinka iyo Magaalooyinka gobolkaas.
Cali Khaliif Galaydh oo Shir Jaraa’id ku qabtay magaalada Widhwidh, waxa uu aad uga dayriyey heerka xaaladda abaartu marayso, waxaanu sidoo kale ka hadlay oo uu Baaq u diray Beelo Colaadi ku dhex-martay deegaanno ka tirsan Koonfurta gobolka Sool.
“Abaaraha waxaad mooddaa waxaynaan hore u arag inay dalka ka socdaan, Xoolihi badi waa baxeen, Dadki waxay ku soo qulqulayaan Tuulooyinka iyo Magaalooyinka, heerkii aan ka baqaynay ayey maraysaa Abaartu, Dadkuna aad buu u jilcay, arrinta socotaa waa arrin yaab leh, Allaah waxaannu ka baryaynaa inuu Roobkiisa innoo shubo.” Sidaa ayuu yidhi Cali Kahliif Galaydh.
Prof: Galaydh oo Baaq u diraya Bulshada Caalamka, waxa uu yidhi; “Waxaannu ugu baaqaynaa Beesha Caalamka, Dawladaha Khaliijka, Muslimiinta iyo Muxsiniinta kaleba, inay u soo gurmadaan Dadka Abaaruhu ku saameeyeen deegaannada Sool, Sanaag iyo Cayn. Anigu weligay Shaahid uma arag Sheekana kuma maqal Abaar baaxaddan leh oo Xoolo Cunno la siinayo oo Gallay iyo Qamaddi oo Halihii Carruurta loo lisi jiray, ayaa Qado, Quraac iyo Casho qaybsanaya oo wada cunaya waa waxaanan arag, weligayna maqal.”
Geesta kale, Cali Khaliif Galaydh, waxa uu Baaq Nabadeed u diray Beelo dhawaan ku diriray gobolka Sool, kuwaas oo uu ugu baaqay nabadgelyo iyo inay waxa ka dhexeeya ka heshiiyaan, waxaanu yidhi; “Waar haddii idinku aad isu iman waydeen, haddii idinku waxa idin dhex-yaalla iyo waxaad isu tihiin garan waydeen oo Caqli iyo Xigmad loo isticmaali waayey, cid kale oo idiin soo gurmanaysaa ma muuqato. Nimankaa Culimada ah ee is-xilqaamay, ayaan jecelahay inaad la shaqaysaan. Maamulka Khaatumo-na waxa uu diyaar u yahay in Somaliland arrintan la iska kaashado.”
Cali Khaliif Galaydh oo arrimahaas iyo kuwo kale-ba, si faahfaahsan ugaga hadlaya Shirka Jaraa’id ee uu ku qabtay, waxaannu idiinku soo gudbinaynaa Muuqaalkan Hoose ee Daawasho wacan oo wanaagsan:-