|

Hogaamiye Burcad badeed oo la qabtay

Gaalkacayo April 18, 2024 (QJ)-Ciidamada booliska gobolka Mudug ayaa xalay howlgal la xiriira la dagaalanka burcad badeeda ka sameeyay magaalada Gaalkacyo. Waxa ay gacanta ku dhigtay hogaamiyihii koox budhcad-badeed ah oo ku hawlanaa lacag madax furasho ah oo gaareysa 5 milyan oo doolar oo uu ka qaatay markabka MV ABDALLA ee Bangladeshi.
Howlgalka oo laga sameeyay xaafadda Siinaay ee magaalada Gaalkacyo ayaa waxaa lagu soo qabtay Abshir Cabdi Kheyre Jowfe oo 38 jir ah oo loo yaqaan Ina Mayraan Xasan, kaasoo ahaa taliyihii burcadii afduubatay markabka MV Cabdalla, wuxuuna madaxfurasho ahaan uga qaatay lacag dhan $400,000.
Taliyaha Qaybta Booliska Gobolka Mudug, Gaashaanle Sare Maxamuud Cabdixakin Yuusuf, ayaa warbixin ka bixiyay hawlgalka lagu guuleystay, wuxuuna digniin u diray cid kasta oo ku lug yeelata falalka burcad badeednimada, isagoo carabka ku adkeeyay in gacanta lagu soo dhigi doonoisla markaana la horgeyn doono sharciga.
Maamulka Puntland ayaa dagaal adag kula jira kooxaha burcad badeeda ah, kuwaasi oo dhibaato weyn ku haya dadka iyo deegaanka.

Comments are closed