|

HOGAAMIYAYAASHA AAN GARAWSHIIYAHA LAHAYN IYO BURBURKA AY UMMADA U GEYSTAAN

ILAAHAY BAA MAHAD ISKA LEH  DHAMAANTEED

 

DHamaan waxaan salaamayaa wariyayaasha iyo akhristayaashaba meelkastooy joogtaan Soomaalida waxay tiraahdaa dabcigaaga oo kaa xumaada dad kaa dhex saar. 

Intaasi ka dib bal hogaamiyayaashan intaanaan u guda galin khayru khalqulaa nabigeenii maxamed s.a.w. muxuu raggani ka yidhi marka aynu is qabano ama wax fahmi wayno haddaan sunnadii nabigeena s.a.w.iyo kitaabkeena ku noqono waxaa hubaal ah in aynu war rasmi ah soo helayno.

661-Coof ibnu Maalik (A.K.R.)wuxuu yidhi ; waxaan maqlay Nebiga s.a.w.oo leh;Hoggaamiyayaashiina iyo xukaamntiina kuwa u ikhyaarsani waa kuwa aad jeceshihiin iyaguna idin jecel,ooo aad u ducaysaan iyaguna idiin duceeya ;

Madaxdiina ku u shar baddanna waa kuwa aad u necebtihiin iyana idin neceb;oo Aad nacladaan iyana idin naclada;Waxaan idhi Rasuull allow(S.A.W.)sow kama goosanno hogaanka oo barii kama noqono?Wuxuu yidhi Maya ;inta ay salaada ka oogayaan dhexdiinna.Maya inta ay salaada ka oogayaan dhexdiina (BY MUSLIM)

Waxaan ka soo guuriyey riyaadul saalaxiin qaybtiisa 2no661 Haddaba hoggaamiyayaashan bilaa garawshiiyaha ahi waa kuwee?

Waa kuwa aad ku arki doontid dhaqamadan iyo dabciyadan

Waxay ku can baxaan talo xumida iyo macangagnimo kaligii taliye ah

TALO XUMO;horaa loo yidhi talo xumo abaar ka daran .haddii taladu kaa xumaato aadna maqli waydo dadka kugula talinaya naseexada ummada .waxaad noqonaysaa macangaga kaligii tashada ah oo jecel in uu kaligii maroorsado talada ummada ee ka dhaxaysay waxaad markaa qaadanaysaa magaca la yidhaa macangag

 

MACANGAG KALIGII TALIYE AH

Waa ninka isagoo taladiisii xun tahay ku sii adkaysta talooyinka ma dhalayska ah ee xun

Markaas waxaa uu noqdaa ka la yidhaa jidna ma galo jidna kama baxo markaas buu waxaa uu aakhirkii noqdaa garawshiiye laawe ma naxa ah

GARAWSHIIYE LAAWE MA NAXA AH

Darajadani ma sahlana waa khatar ninka qaataana dalka iyo ummadaba waa uu galaaftaa,

Haddaan tusaale idinka siiyo raga ku tagay darajadan Waa siyaad ,saadaam ,qadaafi,xusni mubaarik iyo siilaanyo oo iminka qaar ka soo shaac baxayaan  calaamadaha aan soo sheegay ilaahayna aan ooga baryayno inaanuu ku tagin wadadaa isna uma fiicna annagana nooma fiicna

3dan dabci madxda yeelata ummada ay xukumaan siday noqdaan dhaqankoodu?

Madax iyo shacbi is neceb oo is nacadalaya waxaa ka soo dhex baxa mujtamac la kala garan waayo waxay dooni iyo waxay diidi waxaa ay dadkaasi noqdaan dad is wada neceb oo is wada khilaafsan oo burbursan

Burburku waa laba nooc mid dadka iyo duunyadoodaba la burburiyo oola dilo dadka qaarkiis kaasi waa laga soo kabtaa

Burburka aan laga soo kabani waa ka ummada laga dilo akhlaaqdoodii iyo dhaqankoodii wanaagsanaa ee lagu yaqaanay ooy soo baxaan dad lala yaabo oo been badan .dad bilaa naxariis ah dad kooda wayn ixtiraamin iyo kooda yar toona dad haweenkooda qadarin oon xurmaynin dad hawadooda waxay farto ku nool dad lala yaabo oon lagaga sheekayn war fiican war xun mooyee i.w.m.waxaa dadkaasi inay sidaasi noqdaan ugu wacan hogaamiyaasha  garawshiiyaha aan lahayn ee ummada kala qayqaybiya ee iyaga iska horkeena ee tuhunka iyo shirqoolka dhexdooda ka dhex rida ee u horseeda camalada xun oo dhan .ooy waxaasi oo dhan u samaynayaan inay taladooda cawajka ah ay  ku dhex muquuriyaan

Waxaa haddaba la yaab leh waxaa aan sheegay waan wada aragnay ee waa xasuusin uun xalku haddaba muxuu yahay ?

Xalku waa inaan ogaano dhaqankan xun ee 20sano ee u danbeeyey dawladeennu ku shaqaynaysay ma dimiquraadiyada ayaa wadata mise waxani meel kale ayey ka socotaa

Dmqrdiyadu dhaqankan xun ee 3 dawladood ee u danbeeyey ku dhaqmayeen ma laha .

Nidaamkani xumi waa ,mid aan inagu samaynay aan una huwinayno shaadh dmqradiya been yaan laga sheegin dmqrdiyada

Nidaamkani xun macalinkiisii waxaa uuu ahaaa ina cigaal alle ha unxrstee riyaalan ardaygiisii buu ahaa halkii buu ka sii waday

Siilaanyana waxaa  la yidhi waar guriga ha gubin  markaas baa intuu qoslaybuu yidhi waadba I xasuusiseen macanaheedu yahay waddadii buu  sii raacay oo waliba six un u so o af jarayaa allena  ha inooga dhigo kii u dhanbeeyey ee inagu xukuma  maamulkan xun ee nidaamkii (cigaaliyah)ah ee  20sano ee u danbeeyeyna wax uu ina baday aad wada ogtihiin inaan maanta laysku wada calool fayoobeen( bari ilaa galbeed)

ISKU SOO WADA XOORI

waxaan aan doonaynaa dhamaanteen cadaalad iyo sinaan taasina wax dadka gaadhsiiye madaxda rasuulkeenii S.A.W. inoo sheegay oo ah kuwa ina jecel inana aan jecelnahay inoo duceeya inanna u ducayno kuwa asi marka ay dadka xukumaan waxaa ay soo saaraan dad fiican oo dhowrsoon oo akhlaaqad wanaagsan oo dadka adduunku u markhaati furan dabci wanaagooda markaas baa allena ka raali noqdaa

Kuwaasina meesha ay joogaan cidina idiin tilmaami mayso waa wada garanaynaa ee mar uun intaan tashano ma iska aasnaa nidaamkan xun ee kali ka taliska ah oo ma iskugu nimaadnaa arrin haddii alle yidhaa oo dadkeena fiican masuuliyada ma u dhiibanaa .

Waxa aynu ku kala tageynaa haddii alle yidhaa nin baa waxaa uu yidhi wax aan wada cuno ma aan  diidin  laakiin waxaaga iyo waxaygaba aan wada cunno sow waali maaha  

Waxaan ula jeedaa dawlad xoog ahi ma jirto soomaaliyoo oooo dhan waa isku wada barbar dhac haddii xaalka la hagaajin waayo waxaa maanta ka hawl yar maamul goboleed lagu dhawaaqo ma jirto ood adduunka ku dawarsato ood tiraa iigu soo shuba xawaalada jeegayaga wax is hortaagayaana ma jiro oo adagi nin walba deegaankiisa isaga u xor ah ,waxaan wali soo dhawaynayaa wax ha lahagaajiyo  bari iyo galbeedba wax ka taagan waa wada ognahay.

Tani waa fakarkaygii oo ii khaas ah aniga ilaahayna igu ogyahay cid aan gaar u necebahay inaanu jirin xisbi iyo shaqsi toona laakiin aan jecelahay uun danta guud inay hagaagto qofka ummada kharibayana cidna oogama haybadaysto waxaana fiican in danta guud meel ooga soo wada jeedsano

 

Sidaa iyo nabad gelyo

Fuad jawi

Ottawa Canada

Comments are closed