|

Hogaamiyaha Xisbiga Waddani Xirsi Cali X.Xasan oo Xaaraan Ku Tilmaamay Gudi Musdanbeed ah oo Komiishanka Loo Sameeyo & Xogwaran dhinacyo badan Leh oo uu Bixiyey DAAWO

London 20. April 2017 (SDN/QJ):- Md.Xirsi Cali Xaaji Xassan Hogaamiyaha xisbiga mucaaridka ah ee WADDANI ayaa waxaa wareysi dhinacyo badan taabanaya oo uu telefishanka HCTV la yeeshey,gaar ahaan barnaamijka Dareenka Shacabka .

Hogaamiyaha ayaa wareysigiisan kaga hadley arrimo mihiim ah oo ka mid yahiin guddi Mus-danbeed ah oo la sheegay in loo magacaabi doono kominshan doorashooyinka iyo wada hadalka maamulka Khaatumo ay la furtey xukuumada Somaliland .

 

Waxaa uu sheegay Xirsi Cali Xaaji Xassan in guddida Musdanbeedka ah ee la sheegay in loo sameynaayo kominshanka doorashooyinku ay tahay arrin sharci daro isla markaana aaney aqbali doonin

Sidoo kale waxaa uu Xirsi xukuumada ku tageeray wada hadalka ay la furtey maamulka Khaatumo , waxaana uu ku baaqey in natiijo laga gaadho.

Geesta kale Hoggaamiye Xirsi ayaa ka hadley aragtidiisa uu ka qabo xadhiga xukuumaddda KULMIYE kula kacdey wariye Cabdi Maalik Muuse Coldoon.

Comments are closed