Hogaamiyaha Xisbiga Waddani Oo Qaaday Talaabo Uu Ku Guul-Daraystay Wasiirka Layliga Ah Ee Hawlaha Guud Iyo Dareenka Dadwaynaha Deegaanka Dhoqoshay DAAWO
Dhoqoshay 16. July 2017 (SDN/QJ):- Wasiirka Layliga ah ee Howlaha Guud Mudane Cali Xasan Maxamed ayaa waxaa uu Cagaf ay siisay deegaanka Dhoqoshay Xukumadda Somaliland ka soo celiyay sheegayna in aanay deegaankaasi aanay siinaynin Cagaftan.
Deegaanka Degmadda Dhoqoshay ayaa baahi badan u qabay in ay helaan Cagaf ay biyo xidheeno ku samaystaan waxaa u diiday deegaankaasi oo dib ugu Celiyay Cagaftii uu madaxwaynaha Somaliland siiyay wasiirka howlaha guud,
Intaasi ka dib waxaa halkaasi kormeer ku tagay Hogaamiyaha Xisbiga Waddani Mudane Xirsi X Cali Xasan waxaana loo sheegay in Cagaftii la celiyay uu madaxwaynahu ku deeqay.
Hogaamiye Xirsi ayaa markiiba isaga oo eegaya baahidda deegaankaasi ku wareejiyay Cagaf ay xisbi ahaan ugu deeqeen Deegaanka Dhoqoshay.