Hogaamiyaha Xisbiga Waddani oo Ku Celiyey inay Guriga Murashax Muuse Biixi Albaabkiisa Garaacaan si ay Cod uga Helaan Kana Jawaabay Baqo ka Warwarka Xisbiga Kulmiye ee Balanqaadkii Korodhsiimaha Mushahaarka Ciidanka DAAWO
Ceerigaabo 24. October 2017 (SDN/QJ):- Hoggaamiyaha Xisbiga Mucaaradka ah ee Waddani Xrisi Cali Xaaji Xasan, ayaa sheegay in Xisbiga talada haya ee Kulmiye ka qayliyey Qorshe ay Waddani ahaan dejiyeen oo ay Bulshada Reer Somaliland kula xidhiidhayaan Khadka Taleefanka inta Taleefan sidata iyo mid ay Dadka Guryohooda ku garaacayaan, isla markaana kaga codsanayaan inay Codkooda Siiyaan Musharrixiinta Madaxweynaha iyo Madaxweyne Ku-xigeenka Xisbiga Waddani ugu tartamaya doorashada Madaxtooyada, waxaanu intaas ku daray xataa Musharraxa jagada Madaxweynaha ee Waddani Cabdiraxmaan-Cirro Qof kasta Taleefankiisa ka wici doono oo Codkooda weydiisan doono.
“Taleefannada oo keliya maahee, Guryahaannu Garaacaynaa, xataa Guriga Muuse Biixi, waayo? Dadka waa inaannu weydiisanno Cod, waa inaannu muujinno inaannu Dadka wax ka doonayno, Dadku nooma qasbana, iyaguna (Kulmiye) waxay leeyihiin Dadku meel buu noogu xidhan yahay…” Hoggaamiyaha Xisbiga WaddaniXirsi Cali Xaaji Xasan
Afhayeenka Xisbiga Kulmiye Xasan Maxamed Cali (Gaafaadhi) oo Axaddii dorraad Fagaaraha Beerta Xorriyadda ee magaalada Hargeysa hadal uga jeediyey Taageerayaasha Kulmiye ee maalintoodii koowaad Axaddii isu soo baxay, ayaa sheegay in la baadhayo waxa bixiyey Taleefannada Dadka Kaadhadhka Codbixinta qaatay ee Dhalinyaro Wiilal iyo Gabdho isugu jira oo Waddani ka tirsani Taleefannadooda ka wacayaan, iyaga oo ku guubaabinaya inay Waddani u codeeyaan.
Hase-yeeshee, Hoggaamiyaha Xisbiga Waddani Xirsi Cali Xaaji Xasan oo Fagaaraha Beerta Xorriyadda ee magaalada Ceerigaabo Shalay Khudbad uga jeediyey Taageerayaasha Waddani oo maalintooda koowaad ee ololaha xisbigiisa, ayaa sheegay in Taleefanno oo keliya maahee ay Qof kasta Gurigiisa ugu tegi doonaan oo Albaabkiisa garaaci doonaan, xataa Guriga Muuse Biixi, isla markaana Codka weydiisan doonaan, maaddaama oo uu Waddani aamminsan yahay in Qofkasta oo Reer Somaliland ahi xor u yahay naftiisa iyo codkiisa, ee Qof cid u xidhani aanu jirin. Waxaanu Xirsi Kulmiye ku eedeeyey inuu aamminsan yahay in Dad u xidhan yihiin, balse aragtidaasi ay gef iyo qalad ku tahay xorriyadda Muwaaddiniinta.
“Waxaan maanta ku celinayaa iyadoo dhab ah Taleefannnada idinku soo dhacaya ee reer Kulmiye ka qeylinayaan waa kuwaan kuu sheegayey Innamada Albaabka garaacayaana wiiggan bay kuu imanayaan, waxaannu ugu talogalnay oo qorshahayagu yahay Qof walba oo Reer Somaliland oo Taleefan haysta waxaannu samaynay Siistamkii lagula hadlayey, waxaannu diyaarinay kumannaan iyo kumannaan dhalinyaro ah oo Guri walba garaaca, oo Taleefan walba garaaca.” Sidaa ayuu yidhi Hoggaamiyaha Xisbiga Waddani Xirsi X. Cali.
Waxa uu Xirsi oo sharraxaaddiisa qorshaha Taleefannada iyo Guryaha ay Dadka Codka ku weydiisanayaan, intaas ku daray; “Taleefannada laydiin soo diraa maaha qaar kaftana ee leh Waddani u codeeya, waa kuwaannu qorshaynay, waa kuwaannu diyaarinay, Qof walba oo reer Somaliland Codkiisaannu weydiisanaynaa, Taleefann Taleefan baannu u garaacaynaa, waxaa waliba ku xiga Musharraxa Madaxweynaha Waddani Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), ayaa arki doontaan oo Taleefannada soo garaaca oo Qof Qof u soo garaaca Somaliland isagoo codkiisa weydiisanaya, maxay taasi ku timi?”
“Waa rabitaanka Shacabka inaannu ka jawaabno, waa inaannu weydiisanno cod, waa inaannu muujinno inaannu dadka wax ka doonayno, Dadku nooma qasbana, iyaguna (Kulmiye) waxay leeyihiin Dadku meel buu noogu xidhan yahay, waxay ka xanaaqaan Dadku waa xor, waxay ka xanaaqaan Ceerigaabo way midowday, Burco way midowday, waar Somaliland waa midowday, Dadkuna Codkooda waa u xor.” Sidaa ayuu yidhi Hoggaamiyaha Waddani Xirsi Xaaji Cali Xasan. Waxaanu sheegay in Waddani jaanis siiyey Aqoonyahanka iyo Dhalinyarada ku hawlan hawshan Taleefannada iyo kuwa Guryaha Dadka ugu tegi doona ee Codkooda weydiisanaya iyagoo Waddani ah, sida uu ku dooday Xirsi.