Hogaamiyaha xisbiga mucaaridka Jabuuti ee ARD oo faahfaahin ka bixiyay burburka daladii mucaaridka
Jabuuti Jan 08,2012(qurbejoog.com)-Madaxweynaha xisbiga mucaaridka Jabuuti ee ARD Ahmed Youssouf ayaa ka waramay sababta keentay in ay isga baxaan daladii mucaaridka Jabuuti mideyneysay ee AUD.
Madaxweyne Ahmed Youssouf ayaa sheegay in loo baahan yahay in dhamaan muwaadiniinta reer Jabuuti gacan ka geystaan sidii dalka loogu soo dabaalilahaa hanaanka Dimuqradiyada.
Md Ahmed Youssouf waxa uu ku adkeystay in habkii hore ee isbedel doonka ee ku saleysnaa beelaha laga guddbay oo beeluhu aaney kala xigin talada dalka oo loo siman yahay.
Waxa Jira in qeybihii kale ee dalada UAD in ay ku adkeysanayaan in hanaanka reeraha lagu qeybsado xilalaka ugu sareeya dalka.
Xisbiga ARD ayaa noqday kii u horeeyay ee ku dhiirada isbedelkan in la dhaqan geliyo,waxaana muuqaa in dhamaan muwaadiniinta Jabuuti isku si u soo dhaweeyeen mowqifkan.
Mar uu Madaxweynaha Xisbiga Mucaaridka Jabuuti ee ARD ka waramay habka ay doonayaan in ay u hirgeliyaan qorshahoodan siyaasadeed ee Muwaadininta oo idil loogu soo ban dhigayo ka soo qeybgalka isbedelka waxa uu sheegay in ay raaci doonaan mithaalkii xisbigii FOUD ay ku bahoobeen Axmed Ciise Sheeko,Axmed Diini iyo Mahdi Ibrahim Good.
Madaxweynaha xisbiga ARD Ahmed Youssouf ayaa ugu baaqay dhamaan reer Jabuuti in xiligan xasaasiga ah ay ka fogaadaan wax alaale iyo wixi kala qeybin ku keenaya.
Qurbejoog-Jabuuti
contact@somalidiasporanews.com