|

Hogaamiyaha Waddanka Myanmar oo Madaxweynaha Turkiga kala hadashay Sidii loo Dejin lahaa Xiisada ka dhalatay Xasuuqa ay la Kulmeen Dadka Rohinga ah ee laga tirada badan  yahay

Myanmar 07. September 2017 (SDN/QJ):- Hoggaamiyaha Waddanka Myanmar, Aung San Suu Kyi ayaa sheegtay in Warar been abuur ah laga faafinayo rabshadaha ka socda gobolka Rakhine ee dalkaas, kuwaas oo Sababay in 125,000 oo ah muslimiinta laga tirada badan yahay ee Rohingya ay naftooda kula carareen una qaxeen dalka deriska ah ee Bangladesh.

Bayaan ay soo dhigtay facebook ayay ku sheegtay inay Madaxweynaha Turkiga Reccep Tayyip Erdogan kala hadashay xasaraddan.

Bayaanka ayaa lagu sheegay in Aung San Suu Kyi ay Erdogan kala hadashay sawirro uu twitterka soo dhigay ra’iisul wasaare ku xigeenka Turkiga, oo muujinaya meydadka Rohingya, kuwaasi oo markii dambe la sheegay in aanay la Xidhiidhin rabshadaha hadda socda.

Ugu yaraan 400 oo qof ayaa la dilay tan iyo markii koox isku magacwoday Arakan Rohingya Salvation Army ay weeraro ku billaabeen xarumaha booliska ee gobolka Rohinga, oo ah gobolka ay ugu badan yihiin bulshada Rohingya.

Ra’iisul wasaaraha Turkiga ayaa horkacaya hogaamiyayaal caalami ah oo Hogaamiyaha Waddanka Myanmar Aung San Suu Kyi ugu baaqaya inay soo geba gebeyso rabshadaha ka dhanka ah dadka Rohingya.

Dadka Rohingya ayaa ah muslimiin asal ahaan kasoo jeeda dalka Bangladesh, oo ku nool dalka ay ku badan yihiin dadka haysta diinta Buddhist ee Myanmar, waana dad la takooro oo xitaa aan loo ogoleyn muwaadannimada dalkaasi.

Comments are closed