|

Hogaamiyaha Mucaaridka Kenya oo ku adkaystay inuu ka hadhayo Tartanka Doorashadda ee Dabayaaqada Bishan dhici doona

London 15. October 2017 (SDN/QJ):- Hogaamiyaha mucaaridka Kenya ugu awood badan Mr: Rayle Odinge oo ku sugan magaaalda London ee dalka Ingiriiska, ayaa mar kale difaacay go’aankiisa uu kaga baxay tartanka doorashada madaxtinimo ee loo balansan yahay bishan lix iyo labaatan keeda.

Mr: Rayle Odinge waxa uu sheegay in doorasho cidda ku guulaysanaysa la sii ogyahay amba la sii go’aamiyey ka qayb galeyn, iyadoo ay wali maamulayaan doorashooyinka dadkii aan cadaaalda iyo xilkasnimada ku shaqaynayn ee fashiliyey codbixintii hore, isagoo xusay in aan kiiniya nabad ka jirayn ilaa iyo inta ay jirto ku shubasho.

 

Geesta kale, laba qof ayaa maalintii doraad ku dhintay galbeedka kiiniya, ka dib markii ay isku dhaceen dad dibax samaynaya  iyo ciidamada amaanka iyadoo ay jirto in xukuumada dalkaasi mamnuucday wax dibad baxyo ah oo dalkaasi ka qabsooma.

Comments are closed