Hogaamiyaha Midawga Afrika Oo Gogol Nabadeed U Fidiyay Dalalka Khaliijka Isagoo ka Hor dhacay Garnaqii uu Samayn lahaa
Addis Ababa 03. July 2017 (SDN/QJ):- Hogaamiyaha ururka Midawga Afrika Alpha Conde ayaa sheegay in uu diyaar u yahay in uu dhexdhexaadiyo dalalka Carbeed iyo Qadar oo khilaaf soo kala dhexgalay.
Alpha ayaa BBC-da u sheegay in arrintaasi ay muhiim u tahay la dagaalanka argagixisada iyo dhaqaalaha lagula dagaalamaba.
Afar dal oo Carbeed oo kala ah, Sacuudi Carabiya, Isutagga Imaaraadka Carabta, Baxrayn iyo Masar ayaa Qadar ku eedeeyay in ay argagixisada taageerto.
Guinea ayaan sheegin in uu rumaysan yahay in Qadar ay taageerto argagixisada, sida ay dalalka Khaliijku ku eedaynayaan
Wuxuu sheegay in ay tahay in dalalka Afrikaanku ay gacan ka gaystaan xalinta khilaafkan maadaama oo ay yihiin dalalka ay dhibaatada ugu badan ka soo gaartay argagixisada.