Hogaamiyaha Macangaga ah ee Kuuriyadda Waqooyi oo Hambalyo aan Hore loo arag u Diray Madaxweynaha Shanta sano ee soo Socota Hogaamin doona Dalka Shiinaha!!
W.Kuuriya 27. October 2017 (SDN/QJ):- Hogaamiyaha waqooyiga Kuuriya Mr: Kiim Jun un, ayaa hambalyo aan hore looga baran u diray madaxweynaha Shiinaha Mr: Jing Ping oo loo doortay madaxweynaha dalkaasi shanta sanadood ee soo socota, isla markaana la gaadhsiiyey hogaamiye heerkiisa la mid ah Aasaasihii Jamhuuriyada Shiinaha Mr: Mow Tas Tang.
Mr: Kiim Jun Un, hambalyadiisa uu u diray dawlada Shiinaha ayuu u rajeeyey mid barwaaqo iyo xasilooni u horseeda gobolka bariga Aasiya isla markaana feejignaan dheeraad ah u yeelata gardarada maraykanku ku hayo caalamka hor u socodka ah.
Geesta kale, waxa uu ka codsaday hogaamiyaha Shiinaha Mr: Jing Ping in xidhiidhka labada dal la xoojiyo isla markaana barnaamijka Niyukliyeerka Biyoon-Yaan lagu xalin karo wado hadal diblomaasiyadeed.