|

Hogaamiyaha Kooxda Boko-xaraam Sh.Abubakar Shakaawii Oo Shaaciyay In Uu Weli Noolyahay.

Nigeria,17Aug,2015(QJ/SDN)-Hoggaamiyaha Kooxda Boko Haram ee Dalka Nigeria ka dagaalanta, Sh. Abubabar Shekau ayaa shaaciyay inuu weli nool yahay uuna Howshiisii Hoggaaminta Kooxda uu sii  wado, sida uu ku Sheegay Fariin Maqal ah oo uu soo Duubay Axaddii shalay ahayd.

Hoggaamiyaha_Boko_Haram_Shekau_660

Inkatsoo aan si dhab ah loo xaqiijin weli in codkan uu yahay mid uu soo duubay Abubakar Shekau ayaa haddana waxaa lasoo dhigay Shabakad ay leeyihiin Kooxaha Jihaadiyiinta ah; taasoo lagu xusay in Shekau uu weli nool yahay uuna yahay Hoggaamiyaha Boko Haram.

 

Waxaa jirtay in marar fara badan la shaaciyay in Sh. Abubabar Shekau la dilay, balse way beenoobeen, inkastoo aanan tan iyo horraantii sannadkan aan la helin wax fiidiyow ah oo uu soo duubay hoggaamiyahan, taasoo abuurtay shaki ah inuusan noolayn.

 

Toddobaadkii lasoo dhaafay ayuu Madaxweyaha dalka Jaad, Idriss Deby Wuxuu si Rasmi ah u shaaciyay in Kooxda Boko Haram ay dooratay hoggaamiye cuusb oo lagu magacaabo, Mahamoud Daoud, balse ma uusan sheegin wax ku dhacay Abubabar Shekau.

 

Sidoo kale, Deby ayaa sheegay in hoggaamiyaha cusub ee Boko Haram laga fili karo inuu wadahadallo nabadeed la furo Xukuumadda Nigeria iyo Waddamada kale ee dariska la ah, si loosoo af-jaro colaadaha ay kooxdan wadday sannadihii lasoo dhaafay.

 

“Warbaahinta Gaaladu waxay baahiyeen inaan dhintay ama aan Xanuunsanahay oo aanan hadli karin. Gabi ahaan wararkaas waa kuwo been ah, ayuu Shekau ku yiri fariinta uu soo diray oo lagu baahiyay bar ay leedahay Kooxda ISIS.

 

Ugu dambeyn, Madaxweynaha cusub ee la doortay Mohammedu Buhari ayaa ku goodiyay markii Xilka loo doortay inuu soo Af-jarayo kooxda Boko Haram, iyadoo Kooxdan Bilihii lasoo dhaafay laga qabsaday deegaanno dhowr ah.

 

Si kastaba ha ahaatee, Kooxda Boko Haram ayaa Toddobaadkii lasoo dhaafay ka Geystay Suuq weyn oo ku yaalla Gobolka Borno ee Dalka Nigeria Qarax Is-miidaamin ah oo ay ku Ggeeriyoodeen dad ku dhow 50-qof ayna ku dhaawacmeen in ka badan 100 ruux oo kale.

 

Comments are closed