|

Hogaamiyaha Kooxda Argagixisada ah ee Alshabaab oo Markii u Horaysay Kooxdiisu Codkiisa Soo Bandhigeeen & Goodigiisa Dagaal DHAGAYSO

Muqdisho 14.July 2016 (SDN/QJ):- Ururka Al-Shabab ayaa cod ay sheegeen inuu yahay kan hoggaamiyaha ururkaas Axmed Cumar Abu Cubayda oo sidoo kale loo yaqaan Axmed Diiriye.

 

alshabaabCodkaasi ayaa Abu Cubayda uu kaga hadlay arrimo kala duwan oo iskugu jira kuwo siyaasadeed iyo kuwa dhinaca amniga ah.

 

Waxa uu hadalkiisan oo noqonaya kii ugu horreeyey ee uu jeediyo tan iyo intii uu noqday hoggaamiyaha ururkaas tan iyo bishii Sebtember sannadkii 2014-ka uu ku sheegay in Soomaaliya ay “haystaan ciidamo shisheeye” sida uu hadalka u dhigay.

 

Abu Cubayda waxa uu ka hadlay doorashooyinka qorshaysan in laga qabto Soomaaliya sannadkan. Waxa uu uga digay dadka Soomaalida ah inay ka qaybqaataan doorashooyinkaasi oo uu ku dooday inay soo agaasimeen dad shisheeye ah.

 

Waxa uu sheegay in Soomaaliya aan lagu maamuli doonin wax aan ahayn diinta Islaamka, sida uu hadalka u dhigay.

 

Waxa uu ka soo horjeestay nidaamka federaalka ee dalka, waxana uu sheegay inaysan ahayn rabitaanka ilaahay, waxa kale oo uu sheegya in daawladda aysan noqon doonin mid sharci ah oo ay aqoonsadaan dadka Muslimiinta ah iyo Soomaalida.

 

Abu Cubayda waxa kale oo uu hadalkiisa ku cambaareeyey waddamnada ay ciidanku ka joogeen Soomaaliya, kuwa reer Galbeedka, Itoobiya iyo Kenya.

 

Dawladda Turkiga ayuu si gaar ah ugu eedeeyey inay gacanta ku dhigeen ilihii dhaqaale ee Soomaaliya. Waxa uu sheegay in waxa ay ku weynayaan Soomaalida ay ka badan tahay waxa ay ka helayaan Turkiga, sida uu hadalka u dhigay.

Comments are closed