Hogaamiyaha Jarmalka oo dadaal ugu Jirta Sidii Xal Dublamaasiyadeed loogu soo afjari lahaa Xiisada Kuuriyada Waqooyi
Berlin 11. September 2017 (SDN/QJ):- Ra’’isal wasaaraha Dalka Jarmalka Angela Markal ayaa sheegtey in dalkeedu uu diyaar u yahay inuu ka qayb qaato dedaalka loogu jiro sidii hannaan diblumaasiyadeed loogu dhamayn lahaa Banaamijka Nuclear-ka Kuuriyada woqooyi.
Mrs. Merkal oo u waramaysay Shebakada Euro News ayaa waxay tidhi” haddii la doonayo in dalkeedu wada hadalada uu ka qayb qaato dhakhso ayaanu u ajiibaynaa dalabkaasi.”
Dhinaca kale Angela Merkal oo ka hadlaysay heshiiska iiraan lala gaadhay 2015-kii ee Barnaamijkeeda Nuclear-ka,waxay sheegtey inay wada hadaladaasi ay muddo dheer qaateen waqti badana ay socdeen,hase ahaatee ay aakhirkii ku soo Gunaanadmeen gebogebo Wanaagsan.
Waxaanay intaa raacisay inay rumaysan tahay in sida keliya ee loola tacaamuli karo Barnaamijka Nuclear-ka iiraan ay tahay xal diblumaasiyadeed, ku baratanka dhinaca is hubaynta cusub ee mandaqadda ka bilaabantayna ay tahay midaan dhinacnaba dan u ahayn.