Hogaamiyaha Islamiyiinta Ciraaq oo markii u horeysay muqaalkiisa la arkay
Mosul July 06,2014(SDN/QJ)-Hogaamiyaha dagaalyahanada Islaamiyiinta Ciraaq iyo Syria Abubakar Al Baqdaadi ayaa markii u horeysay ka soo muuqday shaashadaha Islaamiyiinta ee Internetka.
Muuqaalka Baqdaadi ayaa ahaa cajalad uu soo diray waxana uu Muslimiinta caalamka ku faray in ay u hogaansamaan hogaankiisa.
Cajalada ayaa ku soo beegmeysa iyada oo haatan la isla dhexmarayo in lagu dilay ama lagu dhaawacay weerar lagu qaaday dhawaan.
Lama shaacin xiliga weerarka lagu qaaday Baqdaadi balse waxa la sheegay in cajalada ay aheyd mid laga duubay xili uu khudbadii Jimcaha ka jeedinayay Masjidka Al-Nouri oo Mosul ku yaal.
Al-Baqdaadi ayaa sheegay in inkasta aanu aheynu aheyn hogaamiyaha Muslimiinta ugu wanaagsan hadan ay raacaan hadii uu khaldan yahayna ay la taliyaan.
ISIS ayaa todobaadyadii ina dhaafay gacanta ku dhigay degaano baaxad leh oo ku kala yaala dalalka Ciraaq iyo Syria.
Waxaaney axadii hore ku dhawaaqeen dawlad Islaami ah oo ay ugu bixiyeen Ibraahiim.
Caalamka ayaa culeys badan saaray dagaalyahanadaISIS iyo dawlada Ciraaq ee ku fashilantay dhismaha dawlada wadaaga iyo difaaca dalkaas.
SDN/QJ-Mosul
contact@qurbejoog.com