Hogaamiyaha Iran oo jawaab ka bixiyay suurtogalnimada weerar dalkaas lagu qaado
Tehran Feb 04,2012(qurbejoog.com)-Hogaamiyaha sare ee dalka Iran Ayatullah Cali Khamenei ayaa khudbad uu jeediyay waxa uu uga jawaabay hadalo ka soo yeedhayay bilihii u danbeeyay dalalka reer Galbeedka khaasatan Mareykanka iyo Isreal.
Khudbadan oo aheyd mid warbaahinta muuqaalka ee dalka Iran laga sii daayay ayaa inteeda badan aheyd mid afka Carabiga uu ku jeediyay.
Hogaamiyaha Iran waxa uu sheegay in weerar lagu qaado dalkooda uu khasaare 10 jibaar ah gaadhsiin dono danaha Mareykanka ee Bariga Dhexe.
Sidoo kale waxa u khudbadiisa Khamenei ku hanbalyeeyay koxaha Islamiyiinta ah ee dunida carabta dhawaanahan guulaha siyaasadeed ka soo hooyay ka dib kolkii ay kacdoono ku rideen dawlado reer Galbeedka xiriir dhaw ay lahaayeen.
Hogaamiyaha Iran ayaa khudbadiisa ku xusay in dalkiisu iminka wixii ka danbeeya uu si tooa ah gacan u siin doono cid walba oo lidi ku ah dalka Isreal.
Ugu danbeyntiina waxa uu si badhedha u sheegay in dalkiisu aanu maraba ka waaban doonin hirgelinta mashruucooda nuclearka ee reer Galbedku ka deyriyay.
Dawlada Mareykanka ayaa walaac ka muujisay suurtogalnimada weerar ay Isreal ku qaado Iran iyo waxa tilaabadaas ka dhalan kara.
Halka masuuliyiinta Isreal ay sheegeen in aaney ku qanacsaneyn cunaqabateynta dunidu ku soo rogtay Iran si la isaga hortaago mashruuca nuclearka.
Si kastaba ha ahaatee dagaal mar kale ku dhexmara reer galbeedka iyo muslimiinta barga dhexe ayaan la saadaalin karin halka uu ku danbeyn karo.
Qurbejoog-Tehran
contact@somalidiasporanews.com