Hogaamiyaha Ehlusuna Wal Jameeca ee Gobolada Konfureed oo Cadeeyay inaan amaanka Kismaayo waxba laga qaban karin
Muqdisho 08.October 2013 (SDN)- Hogaamiyaha Ahlusuna Waljameeca ee gobolka Koonfureed Shiikh Maxamed Yuusu Awlibaax oo ka mid ahaa kooxihii soo dhisay Maamulka Juba land ee lagaga dhawaaqay magaalada Kismaayo ayaa maanta ka hadlay arrimo badan oo la xiriria Gobolladda Jubooyinka iyo Gedo.
Shiikh Awlibaax oo lagu tilmaami Wadaad mayal adag isla markaasna ka tirsanaa kooxihii horseeday in Maleeshiyaadka Raaskambooni la wareegaan Magaalada kismaayo iyagoo gacan ka helaya Ciidamada Kiiniya ayaa maanta ka hadlay xaqiiqda dhabta ah ee Magaalada Kismaayo isla markaasna tilmaamay inaan kismaayo wax shira lagu qaban karin amaankeeduna uusan ahayn mid laysku haleyn karro.
Sidoo kale Mudane Awlibaax waxaa uu shaaciyey inaan loo joojin doonin Hogaamiye Sh.Aadan Madoobe oo shalay ku dhawaaqay inaysan ka qayb galeyn shirkaasi,waxaana uu Aw Libaax daaha ka qaaday inuusan Axmed Madoobe Gobollada Jubooyinka Masiirkooda uusan ahayn isla markaasna shirka la tagayo lagana qayb galayo.
Sidoo kale waxaa uu shaaciyey in amaanka Kismaayo uu yahay Mid faraha ka baxay isla markaasna balo kale ku adeeganayso,waxaana uu shaaciyey in shirka labaad ee dib u heshiisinta goboladda Jubooyinak lagu qabanaayo Gobolka Gedo isla markaasna amaanka gobolka Gedo uu yahay mid laysku haleyn karo oo aan wax dhibaato ahi ka jirin.
Ugu dambeyntii hadalada Shiikh Awlibaax waxaa ka muuqata in khilaaf laba lixaadsaday oo mudo badan la sugayey uu daboolka ka qaaday Shiikh Awlibaax oo shaaciyey inuusan Axmed Madoobe tallo iyo masiir toona ku lahayn arrimaha jubooyinka isla markaasna uu daboolka ka qaaday inaan wax amaan ahi ka jirin gobolka Jubadda Hoose.
Muqdisho SDN.
Qurbejoog.com