|

Hogaamiyaha Ciidamada Maali ee afganbiyay xukuumadii dalkaas oo beeniyay in la dilay

Bamako Mar 25,2012(SDN)-Hogaamiyaha  golaha milatariga  ee  Taladii dalka  Mali la wareegay  ayaa maanta ka hadlay  television-ka  iyo Radio-ga  dalkaasi, isagoo beeniyey  warar laysla  dhex  maraayey  oo sheegay in la dilay isaga  Maalintii Jimcihii  ee ina dhaafay .

Hogaamiyahan  oo lagu  magacaabo  Dhame  Axmedu  Sanuudo waxa  kale uu ugu baaqay dadweynaha  dalkaasi in ay  isdajiyaan oo ay  ilaaliyaan  amaanka  iyo  xasiloonida  dalka,  waxase  uu ka cudur  daartay  ciidamada la sheegay in ay  fadhataysi ka bilaabeen  casimadda dalkaasi  ee Bomako  oo dhac  u geysteen   dukaamo  iyo gaadiid dadweyne.

Waxana  Dhame  Axmeduu  TV-ga  qaranka  dalkaasi ka iftiimiyey  ujeedada ay  dawladdii rayidka  ahayd  xilka uga  tureen, isagoo  sheegay in ciidamadu  sugayaan  amniga iyo mustaqbalka  dalka,  iyagoo  xilka   ku wareejin doona dawlad  rayid ah  markay  dalka  xasiliyaan,  waxana ay  tahay markii labaad  ee  Dhame  ka hadlo  warbaahinta tan iyo intii uu  awood military   ku qabsaday dalka.

Dhinaca  kale,  waxa  waqooyiga  dalkaasi  gacanta ku dhigay  jabhadda Dawaariq  oo  doonaysa   xukun daakhili ah, iyagoo    cudud  military ku jabiyey  ciidamadii  qaranka  ee   ku  sugnaa waqooyiga.

SDN-Bamako

contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed