|

Hogaamintii Lee Kuan Yen ee Singapore iyo Kelmadihii uu Ku Galay Ololihiisii Doorasho iyo Isbedelka ku dhacay dalkaasi DAAWO

Singapore 03. December 2017 (SDN/QJ):-Hoggaamintii Lee Kuan Yew.. Nin qudhi waxbu badali kara. Maalintii ay Singapore dawladda gaarka noqotay ee dibadda laga dhigay Malaysia isagoo ooyaya kalmad ayuu yidhi rumawday. “ Singapore way is bixin doonta”.. Caalamka saddexaad intuu ka soo qaaday ayuu caalamka koobaad keenay..

Wuxuu olaha ku galay la dagaalanka musuq maasuqa, sannadkii koobaad ee Xukuumadiisa wuxuu xaqiijiyay inay Dhammaan nadiif ka noqdeen isaga iyo Wasiiradiisi iyo madaxdii dawladdu wax musuq maasuq ah . “Erayga Nadiif ayay ka noqdeen “.

Kadibna aragtidiisi horumarineed ayuu hirgaliyay oo maanta ka dhigtay Singapore Dalka Ugu wanaagsan adduunka ee hooyo ku umusho ilmo, dawlad wanaaga waxa loo yaqaan kaalmaha ugu horeeya ayay ka galeen, waxayna kasbadeen ganacsiga adduunka iyo maalgashiga caalamiga ah..

Qoomiyahada dega Dalkaas yar Malayga Muslimka ah iyo Shiinayska tirada yar iyo Kuwa hindiya ka soo jeeda mid kasta xuquuqsiman ayuu leeyahay waligoodna mid kamid ahi faquuq ma dareemin..

Comments are closed