Hog-hayaha Guud Ee Kulmiye Oo Iska Xaadiriyay Garabka Xukuumadda,Kuna Dhwaaqay Xiliga Shirka Golaha Dhexe
Haragaysa: 26,May,2014(SDN/QJ)-Xog-hayaha Guud ee Xibiga Kulmiye oo maanta ka soo dhex muuqday Garabka ay is-hayaan Hogaanka Xisbiga ee u Janjeeda dhinaca Xukuumadda iyo Madaxtooyada Somaliland,ayaa ku dhawaaqay in shirkii Golaha dhexe ee haatan uu muranku ka dhashay la qaban doono 1-da Bisha June,ee sanadkan 2014_ka.
Md.Xasan Siciid waxa uu ugu baaqay dhamaan Xubnihii dhawaan lagu dhawaaqay ay soo saareen Shir-gudoonkii Shirweynaha Xisbiga ee inay si buuxda uga soo xaadiraan Shirkaas,isla markaana ay wakhtiga dhawraan.
Hadalkan kazoo yeedhay Xog-hayaha Guud ee Xisbiga Kulmiye,ayaa waxa uu dhabar jab ku noqonayaa Garabka Muuse Biixi cabdi,oo ay si aad ah isu hayaan Xukuumadda Somaliland.
Lamina garan karo waxa ay kaga jawaabi doonaan Hogaanka Xisbigu hadalkan kazoo yeedhay Md.Xasan Siciid.
SDN/QJ-Hargaysa
contact@somalidiasporanews.com