Hirdanka Madaxweynaha & Raysal-Wasaaraha Soomaaliya Oo Hakad-geliyey Doorashada Xubnaha Matalaya Somaliland
Muqdisho 19 December 2016 (SDN/QJ):-Guddiga doorashooyinka dadban ee dalka Soomaliya ayaa hakiyay doorashadii xubnaha aqalka Hoose ee Baarlamaanka dalkaas ku matalayay Gobolada Somaliland ee Muqdisho ka socotay.
Qoraal kooban oo shalay ku baahiyeen barta ay ku leeyihiin Twitter-ka ayay ku sheegeen in la xalinayo khilaafka ka jira doorashada Xubnaha matalaya Somaliland oo muran badani ka jiro.
Waxaa la sheegayaa in sababaha loo hakiyay doorashadii xubnaha aqalka Hoose ee Baarlamanka Soomaliya ku matalayay Somaliland ay qayb ka tahay in la isku heysto soo xulista ergooyinka dooranaya beelaha, sidoo kale waxaa khilaafka qeyb ka ah loolan u dhaxeeya Madaxweynaha Soomaaliya iyo Rai’isul Wasaaraha oo ku dagaalamaya xubnaha matalaya Somaliland si ugu codeeyaan Doorashada Madaxtooyada maaddaama labadaasi masuulba ay u sharaxan yihiin Kursiga Madaxtooyada.
Magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaliya waxaa dhawaan lagu doortay 19 Kursi oo ka soo jeeda Somaliland, iyadoo 46 xildhibaan ay yihiin tirada kaga soo beegantay xubnaha aqalka Hoose ee Baarlamanka Soomaliya, waxaana dhiman 27 xildhibaan oo kamid noqonaya baarlaamanka Soomaliya.
Madaxwaynaha Xasan Sheekh Maxamuud iyo Ra’iisal wasaaraha Soomaaliya Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke, ayaa aad ugu loolamaya xubnaha Matalaya Somaliland, waxaana la sheegayaa in Ra’iisal wasaaraha Soomaaliya u balanqaaday Ra’iisal wasaare ku xigeenka inuu siinayo Ra’iisal wasaaraha Dalka Soomaaliya haddii uu ku guuleysto doorashada Madaxtooyada ee Bishan gudaheeda ka dhacaysa magaalada Muqdisho.