Hirdanka Kala Hororsiga Shirgudoonka Wakiiladda Somaliland Wuxuu ku Dhisan yahay is Muquunin Balse Xadaarad Ilbaxnimo ma Muujinayo DAAWO
Hargaysa 24. August 2017 (SDN/QJ):- Tan iyo Markii Golaha Wakiiladda Somaliland ee shacabku soo doortay fadhiisteen Golahaasi Waxay Xisbiyada Qaranku mar walba ku dadaalayeen sidii uu Shirgudoonka Golahaasi u ahaan lahaa dhankooda.
Taasi waxay keentay in Xoog lagu Muquuniyo Mudanayaashii Xisbigii Burburay ee Udub oo haystay 33 Xildhibaan isla markaana ahaa Xisbiga ugu Mudanayaasha badan sidaas oo ay tahay Waxaa Lagu Muquuniyey Isbahaysiga Mucaaridkii Xiligaas ee Ucid Iyo Kulmiye oo wadarta ay isku haysteen ahayd 49 Mudane taasi waxay keentay in Shirgudoonkii Goluhu uu Noqdo Labadaas Xisbi ee Kulmiye iyo Ucid.
Mar kale Waxaa Jagadii Gudoomiyaha golahaasi baneeyay Mudane C.raxmaan Cirro oo maanta shaadhka uu gashaday inuu yahay Gudoomiyaha Xisbiga Mucaaridka ah ee Waddani buuxinta Jagada uu Baneeyay waxa uu ku dadaalay Sidii Mudane Ka Tirsan Xisbigiisu ugu fadhiisan lahaa kaas oo ah Xildhibaan C.raxmaan Talyanle Cod la yaableh ayaanu kasbaday hasa yeeshee Ilbidhiqsiyo ayay isku bedeshay Qorshahaasi waxaana loogu dhawaaqay inuu Jagadaasi ku guulaystay Mudane Baashe Maxamed Faarax oo ahaa ku xigeenkiisii isla markaana ay wateen Xukuumadda iyo Xisbigeeda Kulmye hasa yeeshee dhawr saacadood kadib Guusha waxaa hadlay Xildhibaan Talyanle oo sheegay inuu isagu yahay Gudoomiyaha Sharciga ah ee la doortay.
Khilaafkii ka dhashay doorashada gudoomiyaha golaha wakiiladu waxa uu saamayn ku yeeshay shaqadii golahaasi maadaama golihii u qaybsan yahay laba qaybood.
Hasa yeeshee waxaan la iska indho tiri Karin in Xukuumada iyo Xisbiga Kulmiye ay ka go’an tahay in Shirgudoonku noqdo Muxaafid si dawladu uga badbaado duulaanka Mucaaridka.