|

HINDIYA: Kooxo Aaminsan In Lo’do Xurmo Leedahay Oo Dhaawacyo U Geystay Dad Iibiya Hilibka Lo’da

Delhi 09.Aug 2016 (SDN/QJ):- Ra’iisul wasaaraha Dalka Hindiya, Narendra Modi, ayaa dhalleeceeyay kooxaha isugu yeedhay inay difaacayaan Xoolaha, gaar ahaan Lo’da oo dadka Hindu-ga ah ay u arkaan inay xurmeysan tahay.

 

Modi, oo ah Hindu, wuxuu sheegay in dadka noocaas ah ay ka cadheysiinayaan, wuxuuna intaa raaciyay in weerar kasta oo ay qaadaan la baadhayo.

 

Ra’iisul wasaaraha ayaa lagu eedeeyay in aanu waxba ka odhanin Jidh-dil bishii la soo dhaafay ay kooxahaasi u geysteen Rag ka mid ah dadka saboolka ah ee dabaqadda hoose.

 

Kooxda is-magacowday ee difaacda lo’da waxay Raggaas oo afar ahaa ku eedeeyeen in ay waxyeello gaadhsiiyeen lo’da ay caabudaan.

 

Indians believe that cattle are sacred and have caused injuryDhibanayaasha waxay ku adkeysteen inay Haragga kala baxayeen lo’ bakhtiday, Arrintaas oo dhaqan u ah, laakin Kooxda aaminsan in Lo’du xurmeyn leedahay, ayaa Jidh-dil u geystay.

 

Bishii July, laba dumar ah oo Muslimiin ah ayaa waxaa garaacay kooxdaasi, waxayna ku eedeynayeen inay siteen Hilibka Lo’da.

 

Cadaadiska kordhaya

 

Masuul lagu Magacaabo Asig oo Doraad ka hadlaayay Magaalada Delhi, Modi wuxuu tilmaamay inuu maamullada gobollada Hindiya oo dhan waydiisanayo in ay baadhaan qofkasta oo lala Xidhiidhinayo kooxaha weerarada geystay.

 

Waxa uu sheegay inuu rumeysan yahay in “boqolkiiba 70 ama 80″ ka mid ah kooxahaasi ay noqon doonaan kuwa ku lug leh dhaqdhaqaaqyada ka dhan ka ah bulshada iskana dhigaya kuwa lo’da difaacaya si naftooda ay u badbaadiyaan.

 

Dad badan waxay aaminsan yihiin in Raysal-wasaare Modi uu arrinta uga aamusay markii hore si uu u helo codadka dadka Hinduga ah, sida uu ku warramay Weriye ka tirsan BBC-da oo ku sugan Dalka Hindiya.

 

Modi ayaa sidoo kale la eedeeyay sanadkii tagay kaddib markii labo toddobaad ay ku qaadatay inuu cambaareeyo weerar lagu qaaday nin Muslim ah oo lagu eedeeyay inuu iibiyo Hilibka lo’da. Hilibka lo’da ayaa laga mamnuucay dhowr gobol oo kamid ah dalka Hindiya.

Comments are closed