Hinaasaha dhexyaal wadamada Khaliijka iyo saameynta uu ku yeeshay kulan lagu waday in ay yeeshaan madaxweyneyaasha Somaliland iyo Soomaaliya
Doxa Mar 29,2013(SDN)-Wadamada Khaliijka oo inta badan saameyn ku leh siyaasadaha Soomaalida ayaa todobaadyadii u danbeeyay ku hardamayay dalka noqonaya ka ugu saameynta siyasadeed badan arrimaha Soomaalida.
Madaxweyneyaasha Soomaaliya iyo Somaliland kala booqanayay dalalka Qadar iyo Isutaga Imaaraadka Carabta ayaa ay aheyd in ay kulan yeeshaan mudada ay ku guddo jiraan safaradooda.
Labada dal ee Khaliijka ayaadse moodaa in ay isku maan dhaafeen dalka hagi doona wadahadalada madaxda Soomaaliya iyo Somaliland.
Kulanka Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Madaxweyne Axmed Siilaanyo ayaa lagu waday in uu ka dhaco dalka Imaraadka Carabta,waxaase arinkaa ka lug jiiday dalka Qadar oo doonayay in dalkooda kulanku ka dhaco.
Dawlada Qadar ayaa madaxweynaha Soomaaliya culeys ku saartay in aanu kulnaka Imaraadka tegin,halka Imaraadka oo kolkii horeba Somalilad culeys ku saartay in ay kulmaan labada madaxweyne ay wefdigii madaxweyne Axmed Siilaanyo u sheegeen in aanu la kulmin Madaxweyne Xasan Sheekh.
Sidaa iyo halkaa ayay ku baabe’een wadahadaladii Khaliijku dabada ka riixayeen ee Somaliland iyo Soomaaliya.
SDN-Qadar
contact@somalidiasporanews.com