Hillary Clinton oo Sababta Guul daradeeda dusha u Saartay Agaasimaha FBI Maraykanka oo Dhabarka ka Toogtay
Washington 14. November 2016 (SDN/QJ):- Hillary Clinton ayaa sheegtay in guul darradeedii Doorashadii madaxtinimada Maraykanka uu Sababteeda Leeyahay agaasimaha Hay’ada FBI-da.
Mrs. Clinton waxay sheegtay in dhawaaqii agaasimaha FBI-da, James Comey, ee ahaa in baadhitaan cusub lagu bilaabayo adeegsigeedii email-lada markii ay ahayd xog-hayaha arimaha dibadda wax yar uun ka hor laba cisho maalintii doorashadu dhacaysay, Taas oo Joojisay Sida ay Xustay Xawaarihii uu Ku Socday Ololaheeda Doorashadu.
Clinton oo u tartamaysay Xisbiga Dimuqraadigu, waxay hadalkan sheegtay iyadoo telefoon kula hadlaysay qaar ka mid ah dadka deeqaha siiya xisbiga,hadalkaas sirta ahna waxa markii dambe heshay warbaahinta.
Kooxdii agaasimaysay ololaheeda ayaa sheegay in kastoo Mrs.Clinton markii dambe lagu waayey wax fal dembiyeed ah, in hadana tallaabadaas FBI-du soo noolaysay eeddayntii Trump ee ahayd in musharaxa Dimuqraadiga uu ilaalinayo nidaamka dowliga ah ee Maraykanka ee musuqu galay.
Dhinaca kalena weli waxa socda mudaharaadada lagaga soo horjeedo guusha Madaxweynaha la doortey ee Donald Trump.