Hillary Clinton oo la filayo in maanta ay ku dhawaaqdo in ay isu taageyso tartanka madaxtinimo ee dalka Mareykanka
Washington April 12,2015(SDN/QJ)-Hillary Clinton oo ah haweeney u dhaxday madaxweynihii hore ee dalka Mareykanka Bill Clinton ayaa la filayaa in ay manta ku dhawaaqdo in ay ka qeyb galeyso tartanka madaxtinimada Mareykanka.
Hillary ayaa hore uga tirsaneyd aqalka Senate ka ee dalka Mareykanka ka dibna waxa ay ka mid noqotay xukuumadii u horeysay ee uu madaxweyne Barack Obaama soo dhisay.
Hillary ayaa xukuumadaa ka noqotay xoghayaha arrimaha dibedda, waxeyse xilkaa iska casishay mar danbe si ay xilka madaxtinimada isugu soo taagto.
Haweeneydan ayaa haatan hogaamineysa dhaamaan saadaasha musharaxiinta ilaa iyo haatan shaaciyay hankooda madaxtinimo.
Hillary Clinton ayaa lagu wadaa manta in ay hankeeda madaxweynenimo ku shaaciso baraha bulshada sida twitter.
SDN/QJ-Washington