Hillary Clinton iyo madaxda Soomaalida oo maanta kulmaya,maxaa lagala hadli doonaa?
Niarobi August 04,2012(SDN)-Xoghayaha arrimaha dibedda ee dalka Mreykanka Hillary Clinton ayaa goor dhaw lagu wadaa in ay kulamo kula qadato qaar ka mida madaxda Soomaalida magaalada Niarobi ee dalka Kiinya.
Haweeneyda ayaa ku gudo jirta safar dhawr iyo taban casho ah oo ay ku mareyso qaarada Africa oo ay markaa diirada ku saareyso qodobo dalkeedu xiiseynayo.
Qodobadaas oo ay dabcan qeyb weyn oo ka midana tahay ladagaalanka argegixisada caalmka oo u muuqda haatan in ay u soo jiheysteen dhanka qaarada Madoow.
Hillary Clinton ayaa lagu wadaa in madaxda Soomaalida ee dawlada KMG ah ay ka wada hadlaan sidii loo dhameystiri lahaa xaalada kala guurka.
Haweeney Clinton ayaase hadalkeedu intaa aanu ku ekaan doonin bacdamaa ay tiraba dhawr jeer fagaareyaal ka sheegtay in ay dooneyso in masuuliyiinta haatan xilalka hayaa aaney dib isu soo taagin.
Shirkii London ee Soomaalida ayay aheyd kolkii ay Haweeneydu si badheedha u tiri “ma dooneyno in aanu idin aragno wixii ka danbeeya Augost”.
Sidoo kale Mrs Clinton ayaa dhawaan kolkii la ansixiyay Dastuurka Soomaaliya waxa ay ku celisay rabitaankeeda isbedel dhab ah oo dalka ka hirgala.
“Waxaanu dooneynaa in la dhameystiro KMGka oo la doorto xildhibaano cusub iyo madax cusub”ayay mar kale ku celisay Hillary Clinton.
Si kastaba ha ahaatee madxada DFKMG ah ee Soomaaliya ayaa haatan ku jira ismaqiiqii u danbeeyay ee ay doonayaan in ay dib xilalka ugu noqdaan,iyada oo muuqata in ay qaar gacn ka helayaan shaqsiyaad iyo hay’ado lugaha ku laaqaya siyaasada Soomaaliya.
SDN-Niarobi
contact@somalidiasporanews.com