Hilaacii diwaan galinta iyo hoorimaadkii tiro koobka qabiilada
Somaliland waa qaran curdin ah isla markaana aan wali haysan aqoonsi caalamiya, hase yeeshee ay indho badan oo caalamka ahi soo eegayaan kuna majeertaan nabada iyo deganaanta ay ku naaloonayaan.
Somaliland waxa ka socda is diwaangalinta kaadhka cod bixinta taasoo ay bulshadu qaadanayso lana odorosaayo bal in lagu yareeyo musuqa ka jira xilliga cod bixinta, balse diiwaan-galintii waxa hadheeyay qabyaalad xadkeedi dhaaftay oo dadkii is urursanyo,taas oo reerba rabo inuu reeka kale kaga bato meshaa ama degaankaa waxaana u abaana taa kuwa aynu rabno inaynu doorano oo ay noqdaan xulkeena inoo taliya, waxaana kuu cadayn kara baabuurta ka baqooleysa gobol iyagoo ku waajahan gobol kale si ay dadkaa la daad guraynayo ee rakaabka ahi u soo qaataan kaadhka cod bixinta iyagoo matalaya cududa reekooda.
Haddaba muwaadin bal is weydii su’aal, ma qabiil baad rabtaa inaad doorato mise qaran waara?
Haa kaliya waa danta reerkaaga laakiin kama jawaabayso danta qarankaaga ruuxa reernimo aad ku doorataana wuxuu balan qaadi balamo beena mana oofin doono,waayo maba laha hami iyo himilo uu rabo inuu gaadhsiiyo ummad iyo arli toona kaliya wuxuu rabaa inuu xoogsi u tago kursiga, haddaba adigu maxaad midho ah ee aad soo saartay?
laga yaabaa inaad tahay arday cilmi leh hadana u janjeedha qabiil, adoo og inaad tahay midhaha iyo aayaha qarankan ee bari hogaamin doona dalka amaba ka raadsan doono shaqo, laakiin miyaad tahay ruux qaran oo u qalma maa-muuskaa ?.
Kaliya shakhsiyaad dantooda wata ayaa waxay rarteen dhalin yaradii u soo kacaysay wadanka oo iyaguna u noqday hayin biyo ma daadshe ah, kuwaasoo laga sugayay bal inay bedelaan dariiqaa qabiilku gadh wadeenka u yahay ee noqday jidka uu muwaadinku ku lumo kagana leexdo qaranimada, runtii waa dhaxal aad u qadhaadh oo umadeena wada saameeyay aadna moodo in ruux walba ay ku talaalantahay, si kasta oo looga wacyi galiyay tix iyo tiraaba haddana lagama waantoobin.
Hadaynu soo qaadano meerisyo ka mid ah gabaygii (xumaanta qabyaalada) ee c/laahi suldaan
- Haduu geed qalalo roobku waa u qamac kaliileede
- Dirxiga qudhunku uma soo uree waabu quudhsadaaye
- Qabaa’il iyo jeer la naco qaadkan lagu waashay
- Qasdi jeeray wada yeelatoo qawlka ku heshiiso
- Qabyo wee soomaaliyey qiiradaadaniye
Gunaadnad
Guntii iyo gabagabadii waxaan ku soo afmeerayaa qoraalkayga waano iyo dardaaran
Aan ku horeeyo waanada, qof waliba waa ogyahay dabka kaliya biyo ayaa ka adag oo bakhtiiya sidaa si la mida qabyaaladu waa cudur halisa oo haleela qaranimda hadii uu ku dhacana way adagtahay sida looga daweeyaa hadaba miyaanay haboonayn in qarankeenan ah geedka soo biqlaaya laga ilaaliyo oo laga leexiyo raafka ama cagtan qabyaalada ee dilaysa, bal qof kastaa ha u fikiro si togan isagoo naftiisa ka xoraynaya qabyaalada iyo nin jeclaysiga si aynu u helno qaran caafimaad qaba.
Ugu danbayn dhanka dardaaranka, dadku waxay naftooda ka dhawraan waxyaabaha dhaawaca jidhkooda u gaysanaya ama dhibaaya ee aanay raalida ka hayn bal se ma ogtahay in qabyaaladu tahay mid dhaawacaysa diintaada, dadnimadaada,iyo qaranimadaada kaana fogaynaysa waxyaabaha wanaagsan kuuna jiidaysa wax yaabaha xun xun, si aad taa uga babaado ahow ruux iimaankiisu xooganyahay ahna muwaadin dhaba kana dhiidhiya nusqaanta qaranimda iyo jahliga qabyaalada ee ragaadshay umadeena.
Axmed cabdi cismaan