“Hiigsigayagu Waxa Weeye In Dekedda Berbera Noqoto Xarun Caalami Ah Oo U Adeegta Geeska Africa.”
Dubai 13.July 2016 (SDN/QJ):- Wargeyska Warsugan ayaa xogo dheeraad ka halay shirkadda DP World ee dhawaan nasiibka u heshay inay dib u balaadhin ku samayso Dekeda Berbera iyo jidka dheer ee isku xidha Itoobiya iyo Somaliland. Xogaha ayaa daaha ka rogay dhaqaalaha guud ee ku bixi doona dib u habaynta iyo casriyeynta marsadda Berbera.
Qoraalka oo ku qornaa luqda afka Ingiriiska ayaanu u soo rognay Afsoomaali, waxana uu ugu horayn ka hadlayaa qorshaha DP World ee ku aadan balaadhinta dekeda sida “dhismaha cusub ee deked oo noqonaya 800m, dhismaha deyr cusub oo konton hiktar ah (50ha), dhismaha marinka maraakiibta iyo xeebta ay marayaan wiishashka taayirrada leh ee koontiidharadda iyo qalabka qaada iyo horumarinta barxadda marsada iyo xarunta alaabta la dhigo inta aan dekedda laga soo saarin” Sidaas ayaa lagu yidhi Dukmanti uu helay Wargeyska Warsugan.
Sidoo kale Shirkaddu waxay sheegtay in higsigeedu yahay sidii dekeddu ugu adeegi lahayd dalka Itoobiya iyo waddamada kale ee aan badda lahayn, kadib marka kor loo qaado awoodda dekedda iyo heerka adeegyadeeda. Waxay shirkaddu intaasi raacisay in qorshuhu yahay in la furo marinno badan oo maraakiibeed si loo helo khadad cusub oo ganacsi. Sidoo kalena la hir galin doono hawlgal joogto ah si loo xakameeyo tayada waxyaabaha dekedda ka soo dego si dhawna loola socdo maamulka dekedda. Shirkadda ayaa qorshaheeda ku dartay in la samaynayo is dhexgal bilaa xuduud ah oo u dhexeeya dhammaan isticmaaleyaasha iyo daneeyeyaasha iyagoo looga golleeyahay in dekeddu noqoto mid nidaamkeeda ay bulshadu xudun u tahay. Sidoo kalena waxay tilmaantay inay wax weyn ku kordhinayso dadka deggaanka.
Shirkadda ayaa tilmaantay in khibraddaha ay leedahay ee dekeddaha ay horay u maamushay ee Callao, Dakar iyo Djibouti muujinayaan ka go’aananshaha iyo awoodda shirkadda ee ah siday u horumarisay una yihiin xarumo caalami ah oo dunida u adeegga.
Iskaashiga Dawladdaha Imaraadka iyo Somaliland
Shirkadda Dubai Port waxay sheegtay in dawladda Dubai iyo Somaliland yeelan doonaan xidhiidh iskaashi oo wanaagsan iyadoo xoogga la saari doono horumarinta Waxsoosaarka beeraha, Shaqo abuurka, Tamarta, kaydadka shidaalka, warshadaha, dekeddaha, waddooyinka iyo dalxiiska.
Faa’iidada labada dhinac
Shirkadda DP waxay sheegtay in heshiiskani u qaabaysan yahay mid labada dhinac ee Somaliland iyo Imaaraadku ka helaan faa’iidooyin is dhaaf ah oo labada dhinacba ka helaan waxtar. Qodobada la rumaysan yahay in heshiiskani xoojinayo waxaa ka mid ah:
- Wuxuu dhisayaa heshiiska xooggan ee hore ugu dhexeeyay Dubay iyo Somaliland kaasi oo ah dhinaca ganacsi iyo dhaqaalaha, sida Fly Dubai;
- Waxa uu taageerayaa hiigsiga Somaliland ee ah inay noqoto xarunta Saadka(logistics) iyo kaabeyaasha dhaqaalaha ee Geeska Africa;
- Xukumadda Somaliland waxaa u kordhaya dakhligeeda, taas oo ay ugu wacan tahay heshiiska dekedda Berbera ee tanaasulaadka la isu sameeyay;
- Wuxuu taageerayaa xoojinta maamulka dekedda Berbera.
Maalgelinta Dekedda Berbera
DP oo u soo aaraaranaysa waxyaabaha ay dekedda Berbera iyo guud ahaan Somaliland ka qabanayso ayaa sheegtay in dib u eegista taariikhda horumar ee Imaaraadku marag ka yahay dejinta qorshe maalgalineed oo wakhtiyaysan, iyagoo taas laga shiidaal qaadanayana ay samaynayso maalgelin degdeg ah si Somaliland u gaadho higsigeeda horumar, waxyaabaha degdega ah ee la qabanayana waxaa ka mid ah:
- Dekedda Berbera oo lagu sameeyo qalabayn degdeg ah oo ku kacaysa 62 milyan oo dollar;
- Dekedda oo si degdeg ah loogu kordhiyo deked 400m ah iyo dayr ah 25ha(25 hiktar), kuna kacaysa lacag dhan 170 milyan oo Dollar;
- In la maalgaliyo waddada isku xidhaysa Berbera iyo Itoobiya iyo waliba kaabeyaasha kale ee lagama maarmaanka ah;
- In aad loo xoojiyo xidhiidhka, iyadoo suuqa Dubai loo furayo Somaliland si adeegyada iyo alaabooyinka ay uga hesho, sidoo kalena la dhiiri galiyo sidii hay’addaha Dubai iyo ganacsatadu u maalgashan lahayd Somaliland.
Isku soo wada duuboo warbixintan oo kaabaysa warbiximihii hore uga soo baxay xukuumada ayaa u muuqda kuwo waxtar u ah mandaqada iyo dalka iyo dadkaba, iyadoo ila wareedyo aanu xidhiidh kala samaynay arrintan oo u dhuun daloola arrimaha dhaqaaluhuna ay sheegayaan inay faa’iido ka badan tii hore uga soo bixi jirtay dekeda oo labadii sanno ee u dambeeyey lagu qiyaasay marka laga jaro kharashaadhka kala duwan ee dekeda iyo dalkaba inay toos qasnada Maaliyada ugu xaroon jirtay lacag ku dhaw 2 Milyan, haddase iyadoo dekedii la kireeyey, ayaa dhinacyada kirada, meceeshada iyo dhakhliga guud ee wax soo saarkeedu noqonayaa ku dhawaad 5 Milyan iyo wax ka sii badan iyadoon lagu darin weliba 35% ka heshiiska, waxaanay khubaradaasi sheegeen hadii ay marba marka ka sii dambaysa ay sii korodho isticmaalka dekedu uu keenayo korodh iyo kor u kac dani ugu jirto shacbiga iyo geeska Afrikaca.