HIGSIGA 2020: GEEDI-SOCODKA BADBAADINTA IYO DIB U SOO NOOLEYNTA QARANKA SOOMAALIYEED
I. HORDHAC
Golaha Shacabka iyo Xukuumadda Federaalku waxay si rasmi ah u soo saareen 28kii Luulyo 2015 go’aan ah in Higsiga 2016 fashilmay maadaama aysan dhameystirmin howlihii iyo hay’adihii lagama maarmaanka u ahaa doorashooyin ka dhaca dalka. Higsiga 2016 oo ahaa in dalka nidaam federaala, xisbiyo iyo doorasho hal qof iyo hal cod ah la gaarsiyo sanadka 2016ka, kaasoo kolkiisa horeba ahaa riyo maalmeed haddii la eego xaaladda siyaasadeed iyo tan nabadgelyo ee uu dalka ku suganyahay.
Fashilkaan waxaa ka sii daran oona ah waqti lumis kale, sharci darro iyo sharciyeen kala go’a dalka waxa ay ku fakirayaan badel ahaan. Madaxda sare ee dowladda, siyaasiin xil doon ah iyo wakiilada beesha caalamka waxay ka dhawaajiyeen in la qaadan doono nidaam doorasho u dhaxeeya hal qof iyo hal cod ah iyo soo magacaabida hoggaamiye dhaqameedka. Nasiib daro Soomaaliya waxay noqotay shaybaar tijaabo.
Waxa ay soo karinayaan kuma salaysna xaqiiqda ka jirta dalka, dastuurka iyo nidaamka awood qeybsiga beelaha. Waxay qorsheenayaan in maamul goboleedyada dalka aan dadweynaha dooraan oo ayaguba la isku khilaafsanyahay su’aalna ka taagantahay in badan oo kamid ah sharci ahaantooda in ay door toos ah ama mid dadban ka qaataan soo xulida xildhibaanada cusub. Sidoo kale, nidaamkaan soo ma’ahan sharciyeenta goo’sashada gobolada Waqooyi Galbeed maadama maamulka gooni goosadka goboladaas uusan ka qeybqaadan doonin soo xulida xildhibanadooda oona laga soo dhex xuli karin. Xaalku waa waan soconweynay ee aan orodno.
Wadada hada lagu taaganyahay sii socoshadeeda waxay dowladda iyo dalka u horseedi fashil kale waxaana lagu sii sugnaan tiihi lagu soo jiray 24kii sano.
II. XAL WAARA IYO AASAASKA DIB U CURASHADA QARANKA
Hadii aan Soomaali nahay dal, dad iyo diin gacmo nooguma jiraan. Qaranka Soomaaliyeed waxaa ku habsaday masiibo qaran oo baahsan khatarna ku ah jiritaankeena qaranimo ee madaxbanaan oo ka kooban hal qowmiyad, diin, af iyo dhaqan kuna mideysan hal calan.
Doorasho noocey ahaato haddii ay dhacdo 2016ka iyo kun doorasho ka dambeya wax ay soo kordhinayaan majirto sidii aan soo arki jirnay ilaa sanadkii 2000 maadama wado qaldan xalka laga raadinaayo. Doorasho ku sheegyada ka dhaca Soomaaliya oo ku asteysan musuqmaasuq waa “kud ka guur oo qanjo u guur”.
Xalka Soomaali wuxuu kujiraa in marka hore dalka la xasiliyo, cadaalada la soo celiyo, hay’adaha dowliga oo dib loo unko, dalka oo gacanta lagu wada dhigo iyo dib u heshiisiin guud oo la hirgeliyo. Waxa kale oo dhami arrintaan ayey ku xiranyihiin xal waarana ku jirtaa.
Haddaba anigoo taasi ka duulaayo waxaan soo jeedinayaa:
Alle Bari iyo Iscafin Qaran
1. Dadka Soomaaliyeed waxaa ku waajib ah towbad keen haddii aanu eegno wixii ka dhacay dalka iyo waxa aanu ku suganahay.
2. Wadada keliyah aan uga bixi karno masiibada qaran ee nagu habsatay iyo tiiha aan ku jirno waa Alle bari iyo iscafis qaran.
3. Xukuumadda Badbaadinta iyo Dib U Soo Nooleynta Qaranka waxay howsheeda qaran ku daah furi ku dhawaaqid iyo qabasho maalin Alle bari iyo iscafin dalka oo dhan ah.
Mudo u Kordhin Madaxweynaha iyo Golaha Shacabka oo Sharuudeysan
4. Madaxweynaha iyo Golaha Shacabka waxaa mudadooda xilka loo kordhin ila 31ka Diisembar 2020.
5. Si muddo kordhintaan cusub u noqoto mid lagu gaaro wax qabad, xasilooni siyaasadeed iyo isla xisaabtan waxaa ku xiran sharuudaha soo socda:
b. Madaxweynaha oo ku koobnaado awoodihiisa dastuuriga ah uuna ku dhex milmin hay’adaha sharci dejinta iyo fulinta.
t. Xubnaha Golaha Shacabka kama mid noqon karaan Golaha Wasiirada si loo helo siyaasad degan, gole kooban iyo isla xisaabtan hay’adaha dastuuriga.
j. Golaha Shacabka oo ansixiyo xukuumad cusub xul ah oo kooban ee Xukuumadda Badbaadinta iyo Dib u Soo Nooleynta Qaranka (20 wasiir iyo 5 wasiiro-dowlo) taasoo si buuxda u fulisa qorshahaan. Wasiirka Koowaad waxaa awood dastuuri loo siin in uu wasiirada isku shaandheyn karo ama bedeli karo si loo helo xukuumad kala dambeysa. Xukuumadda looma qaadi karo cod kalsooni darro ah hadii aysan si cad oo bareer ah u jebin dastuurka iyo sharuucda dalka.
x. Ku soo rogid dalka xaalad degdeg ah oo awood u siineysa in xukuumaddu ka hortagto dembiyada iyo shirqoolada casriyeesan ee cadowga gudaha iyo dibada abaabulayaan. Golaha Wasiirada waxaa la siin awood dheeri ah oy ku soo saraan wareegto degdeg ah oo leh awood sharciyeed ee Golaha Shacabka.
kh. Ansixin sharuuc amni oo adag, sida la dagaalanka argagixisada oo lama huraan u ah guusha halganka badbaadinta iyo dib u soo nooleynta qaranka. Maxkamad ciidamada oo gaar ah ayaa qaadi dembiyada culus ee argagixisada, khiyaano qaran, musuqmaasuqa iyo xasarad kicinta. Hantidii lagu taageero fal argagixiso si toos ah dowladda ayaa la wareegayso, qofkii lahaana wuxuu muteysan ciqaab adag.
d. Ka mamnuucid dalka saxaafadda gaarka loo leeyahay (aan ka aheyn wargeysyada), banaanbaxyada, xisbiyada, shirarka siyaasadeed iyo kuwa beeleed inta lagu jiro xaaladda degdeg ah iyo ku dhaqanka sharuucda amni ee cusub. Golaha Shacabka labadii sano mar ayuu dib u eegi sii jiritaanka qodobkaan.
r. Dib u eegid iyo sixida guud ahaan qaladaadka Dastuurka Ku Meel Gaarka ah si uu ula socdo waajibaadka cusub ee dowladda iyo nidaam siyaasadeedka cusub.
s. Golaha Shacabka oo ansixiyo dhamaan qorshahaan taasoona ka dhigan qodobadiisa u baahan wax ka badelid dastuurka sidaasi ku ansaxaan.
Fulinta Shareecada Islaamka
6. Diinta Islaaamka waa tiir kamid ah tiirarka ay ku taagantahay bulshada Soomaaliyeed. Islaamku taarikh dheer ayuu ku leeyahay Soomaaliya asagoo ku fiday si nabdoon lana jaanqaaday dhaqanka iyo qaab noleleedka Soomaaliyeed.
7. Himiladeena waa dhisid bulsho ku dhaqanta diinteena Islaamka ee haboon oo ka fog xagjirnimada. Sida ugu haboon ee diinta lagu faafin karo ee faa’iido waarto leh waa barida dadweynaha cilmiga diinta. Xukuumaddu waxay dugsiyada quraanka la mideyn waxbarashada iskoolada si ay u helaan taageero waxaana la abuuri jaamacado lagu barto diinta si looga kaaftoomo waxbarasho dibadeed oo keena firqooyin diimeed cusub.
8. Diintu ma’ahan in ay abuurto khilaaf maadaama bulshada Soomaaliyeed ay dhamaan yihiin Muslimiin ayna ku qanacsanyihiin ku dhaqankeeda. Khilaafka diimeed iyo u isticmaalka diinta dano quracan waxay khatar ku tahay diinta, nabadgelyada iyo jiritaanka qaranka.
9. Barlamaanka Soomaaliyeed ee dowladdii ku meel gaarka aheyd ayaa sanadkii 2009 ansaxiyey ku dhaqanka shareecada Islamka laakiin lama fulin. Arrintaan waxay siisay kooxaha hubeysan ee mayelka adag marmarsiiyo dagaalka ay ku sii wadaan iyo fursad dacaayadeyn nidaamka dowliga ee dalka.
10. Xukuumaddu waxay si buuxda dalka uga fulin ku dhaqanka shareecada Islaamka oo ay dadweynaha Soomaaliyeed ku qanacsanyihiin ku dhaqankeeda. Fulinta ku dhaqanka shareecada Islaamka wuxuu burburin fakarka guracan iyo marmarsiyooyinka kooxaha mayalka adag, waana ku guuleysi xag fikir oo ah kalabarow bar dagaalka lagula jiro.
11. Si loo fuliyo go’aankaan taarikhiga ah, qorshaha dib u habeynta garsoorka iyo shuruucda dalka waxaa qeyb ka ah waafijinta shareecada.
Cadaalada, Baabi’inta Nidaamka 4.5 iyo Dib U Heshiisiin Qaran
12. Cadaaladdu waa gundhigga dowladnimada. Burburka dalka waxaa qeyb weyn ka ahaa cadaalad daro. Dalku ma sal dhigan doono haddii aan la helin cadaalad loo siman yahay sharciga hortiisa. Himiladeenu waa in ay ahaato in la abuuro nidaam garsoor ku saleysan shareecada Islaamka, madax banaan ayna adeegayaal ka yihiin shaqaale garsoor oo ku sifoobay karti, hufnaan iyo musuqmaasuq la’aan.
13. Xukuumaddu ayadoo qiimo gaar ah siineysa ayey nidaamka cadaaladda dalka dib u habeyn balaaran ku sameeyn, xirfadooda aqooneed kor u qaadi ayna u qoondeyn dhaqaale ku filan gudashada waajibaadkooda.
14. Xukuumaddu waxay si buuxda u baabi’in nidaamka awood qeybsiga beelaha ee 4.5 oo ku sifoobay quursi iyo cadaalad daro. Waxaa lagu bedeli nidaam awood qeybsi si siman ah ee 5ta beelood. Arrintaan waxay kor u qaadi cadaalada, midnimada qaran iyo taageerada dadweynaha ee dowladda.
15. Mustaqbalka Soomaaliyada cusub wuxuu ku xiranyahay ku guuleysiga dib u heshiisiin qaran ee daahfuran oo ku saleysan dib u heshiisiin dhab ah, runta iyo cadaalad. Geedi-socodka dib u heshiisiinta qaran iyo wadahadalada lala furaayo mucaaradka si ay u mira dhalaan waa in laga dhowraa faragelin shisheeye.
16. Xukuumaddu waxay dhisi guddi qaran oo madaxbanaan oo hoggaamiya geedi-socodka dib u heshiisiinta qaran. Marka laga reebo khabiirada, guddiga qaran waxaa hoggaan iyo xubno ka noqon dad magac iyo qadarin kuleh bulshada dhexdeeda.
17. Masiibaada ku habsatay qaranka Soomaaliyeed waa in qoraallo iyo kaydin laga sameeyaa, dugsiyadana lagu baraa jiilalka haatan nool, sanad kastana la sameeyo xasuus si ay jiilka dambe ugu noqoto cashar cibra qaadasho leh.
Mabnuucida Qaadka
18. Qaadka wuxuu qeyb weyn ka yahay amni darida iyo burburka dhaqaale, bulsho iyo wax soo saarka dalka.
19. Xukuumaddu waxay si sharci iyo tilaabo tilaabo ah dalka uga mamnuuci qaadka waxaana ganacsatada la siin waqti ay dhaqaalahooda la baxaan iyo fursado maalgashi wax soo saarka dalka.
20. Mamnuucid kahor, canshuur kordhin xooggan ayaa la saari qaadka, suuqyada qaadka ayaa laga dhex saari magaalooyinka waana laga mamnuuci ku dhex cunidiisa bulshada. Xukuumaddu waxay qaadi olale wacyigelin bulshada waxayna u dejin ganacsatada dan’yarta ah ee ka ganacsada qaadka qorshooyin ay ku dhisan lahayeen nolol kale.
21. Ciidamada, shaqaalaha iyo xubnaha dowladda waa ka mamnuuc cunida qaadka si loo dhiso ciidan iyo shaqaale dowladeed oo tayo leh.
22. Mamnuucid buuxda kadib, ciqaab adag ayaa la dul dhigi qofkii ka ganacsada qaadka waxayna dowladda la wareegi hantidii iyo gaadiidkii loo isticmaalay.
Horumarinta Hidaha iyo Dhaqanka Soomaaliyed
23. Qaranka Soomaaliyeed waa qaran qadiimi ah oo leh hido iyo dhaqan qani ah kasoo ka dhex tilmaama dadyoowga kale. Waxaanu nahay qaran dhinac kasta mid ka ah kaaso wadaaga asal, diin, dhaqan, af iyo hab noolaleed qurah sidaasi darteed saldhiga iyo astaanta dowladda qaranka Soomaaliyeed waa Islaam iyo Soomaalinimo.
24. Dagaalada sokeeye ee daba dheeraaday iyo dadka Soomaaliyeed oo u kala qaxay adduunka cirifyadiisa waxaa laga dhaxlay burbur hidaha, dhaqanka iyo afka Soomaaliyeed.
25. Hidaha, dhaqanka iyo afka Soomaaliyeed waa ruuxda qarankeena wuxuuna sal u yahay jiritaankeena qaranimo hadaba waxaa naga saaran masuuliyad dhamaanteen dadweyne iyo dowlad in aanu dib u soo nooleyno, xoojino una ilaalino si joogta ah.
26. Xukuumaddu waa in ay soo bandhigtaa qorshe qaran oo lagu horumarinaayo hidaha iyo dhaqanka Soomaaliyeed. Fanka iyo suugaanta Soomaaliyeed waa in aanu kor u qaadno. Afka rasmiga ee dalka, shaqada dowladda, waxbarashada iyo warbaahinta waa in uu noqdaa afka Soomaaliga.
III. QORSHE SIYAASADEED IYO XEELAD CUSUB 2016 – 2020
Dad dalkooda gacan ugu jiro oo heshiis ah ayaa aayahooda ka tashada horeyna u socda. Si taasi loo gaaro waxaa geedi-socodka badbaadinta iyo dib u soo nooleynta qaranka loo qeybin sadex weji:
27. Wejiga koowaad waxay Xukuumadda Badhbaadinta iyo Dib u Soo Nooleynta Qaranka u halgami soo celinta nabadgelyada, sareeynta sharciga, midnimada iyo madaxbanaanida qaranka Soomaaliyeed.
28. Wejiga labaad waxay xukuumaddu qaban shirweyne qaran ee dib u heshiisiin iyo dib u yagyeelidda qaranka. Inta uu socdo shirkaan bulshaweynta Soomaaliyeed waxay si buuxda uga heshiin wixii ay kala tabaneyso ayna uga tashan aayaha qarankooda. Shirweynaha qaran dhamaantiis waxaa lagu maalgelin dhaqaale Soomaaliyeed si looga madaxbanaaneyo faragelin shisheeye.
29. Wejiga sadexaad waxaa la fulin qodobada kasoo baxa shirweynaha qaran, afti u qaadid dastuurka iyo qabashada doorashooyin hal qof iyo hal cod ah.
Xukuumadda Badbaadinta iyo Dib U Soo Nooleynta Qaranka waxay howlaheeda ku daahfuri dib u eegis ballaaran dhinacyada siyaasadda, amniga, dhaqan-dhaqaale iyo arrimaha dibada ee dalka si loo soo bandhigo qorshe qaran oo tafatiran. Qorshaha qaran waxaa lagu qotomin siyaasad iyo xeelad cusub oo ku saleysan:
Abaabulid Hantideena
30. Dalka lama badbaadin karo haddii aan la haysan maaliyad ku filan xorna loo yahay. Dowladaha shisheeye waxay Soomaaliya waqtiga uga lumiyeen balanqaadyo aan waxbo kasoo naaso cadayn. Dakhli badan ayaa dalka gudihiisa laga soo saari karaa waqti yar gudahiisa haddii uu jiro rabitaan dhab ah, daacad laga yahay lana geliyay dadaal dheeri ah.
31. Xukuumaddu waxay ku qasbantahay in si xirfad leh u abaabulato maaliyada ay gudaha kasoo saaran karto mudo gaaban gudaheed. Dowladdu si ay taageero maaliyadeed uga hesho dadweynaha Soomaaliyeed waa in ay isbadel siyaasadeed oo soo jiita dadweynaha ku dhaqaaqdo, dakhliga soo galana aan la musuqmaasuqin, olalahaasna si casri ah loo maareeyo hadana wacyi-gelin iyo xayeysiis badana loo sameyaa. Howlwadeenada olalahaan waa in ay noqdaan kuwa aqoon leh, aamin ah oo bulshada dhexdeeda magac kuleh. Maaliyadaas waxaa kamid noqon kara:
b. Qaaraanka Hiil Qaran – Ansixin kadib xukuumaddu waxay urruursan qaaraan qaran. Si iskaa ah qaaraanku waxaa wax ku darsan kara dadweynaha Soomaaliyeed ee dalka gudahiisa iyo dibaddiisa si shaqsi ama si wadareed, shaqaalaha dowladda, shirkadaha, ururada bulshada iyo saaxiibada Soomaaliya. Tabarucooda waxaa lagu bixin karaa xawaaladaha, bangiyada, internet-ka iyo lacagta telefoonka. Waxaa lala kaashan telefishinada, radiyeyaasha, xawaaladaha, isgaarsiinta iyo dadka bulshada magac kuleh. Olalahu waa mid kooban oo socon doona ilaa xukuumadda cusub ka abaabulaneyso dakhaliga gudaha.
t. Canshuuraha dalka – Dowladdu waa in ay xoojisaa oo balaarisaa nidaamka urruurinta canshuuraha dalka ayadoo si degdeg ah u hirgelineysa hay’ad qaran ee canshuuraha iyo qaab cusub ee urruurinta canshuuraha. Dakhli xooggan ayaa dowladda kasoo geli kara haddii si sharci iyo qaab casri ah loo maareeyo canshuurta dalka. Shaqaalaha dowladda ee lunsada canshuurta iyo ganacsatada kahor timaada bixinta canshuurta waa in sharciga la horkeeno si ay tusaale cad u noqdaan. Nabadgelyada oo la sugo iyo hanoshada kalsoonida dadweynaha waxay kor u qaadi dakhliga canshuuraha.
j. Canshuurta qurbajoogta ee 2% – Qurbajoogta Soomaaliyeed ee shaqeysa ama ganacsada waxaa lagu soo rogi canshuur 2% dakhliga soo gala taaso lagu kabi Sanduuqa Horumarinta Qaranka. Waxaa la diiwangelin dhamaan qurbajoogta si qaab nidaamsan loo hirgeliyo canshuurtaan. Qurbajoogta waa in ay ka qeybqaatan difaaca iyo horumarinta qaranka sida muwaadiniinta ku nool gudaha dalka. Qurbajoogta kahor timaada bixinta canshuurtaan waxaa laga mamnuuci in ay dalka soo galaan, adeega qunsuliyadaha, qabashada xil qaran, doorashooyinka, ka ganacsiga dalka iyo in ay dhul ka ibsadaan ilaa ay ka bixiyaan canshuurihi hore. Dalka waxaa leh qofkii difaacda oo horumarsada markii uu uga baahanyahay difaaca iyo horumarinta.
x. Sanduuqa Horumarinta Qaranka – Waa sanduuq joogto ah oo lagu maalgeliyo barnaamijyada dowladda ee gargaarka bini’aadannimo, dib u dhiska iyo horumarinta qaranka. Waxaa lagu maalgelin canshuurta qurbajoogta ee 2%, canshuur gaara oo dheeri ah, ka jarid maalin lacagteed mushaarka shaqaalaha dalka oo dhan, tabarucaad si iskaa ah ee dhamaan dadweynaha Soomaaliyeed iyo deeqaha dowladaha shisheeye. Sanduuqaan wuxuu culeyska ka yareen miisaaniyad sanadlaha ee dowladda oo baahi weyn looga qabo dhinaca sugida nabadgelyada qaranka. Sanduuqaan waxaa lagu taageeri dhamaan gobolada dalka iyo degmooyinka si dowladdu u hesho taageerada dadweynaha, nidaamka dowliga ahna u fido sanduuquna u noqdo mid qaran oo dhaaman Soomaalidu ku tabarucdo.
kh. Sakada – Waxaa la dhisi hay’ad sakada ee dowli ah oo urruurisa sakada muslimiinta
waajibka ku ah ha joogeen gudaha dalka iyo qurbe, taaso lagu bixin sida diintu waajibisay. Barnaamijkaan wuxuu taageeri dadka saboolka iyo kuwa nugul si abaabulan oo isku xiran taasoo culeys ka dhimi dowladda xaga horumarinta bulshada.
d. Canshuurid kalluumyesiga badda Soomaaliya – Dowladdu waxay dhaqaale badan kasoo xarayn kartaa kalluumeysiga sida sharcidarada ah uga socdo badweynta Soomaaliya. Waa in xukuumaddu si degdeg ah dib ugu abuurto ciidamada badda Soomaaliyeed ayna ilaalinta badda kala kaashato dowlad weyn. Maraakiibtii kalluumeysiga Soomaaliya waa in dib loo howlgeliyo si dhaqso ah.
Halgan Dheer iyo Dib U Dhiska Ciidamada Qalabka Sida
32. Xukuumaddu waxay dadka Soomaliyeed iyo hay’adaha dowladda u jiheyn halgan dheer oo lagu sugaayo jiritaankeena. Halganku dabcan waa mid dheer oo leh wajiyo aydiyoolijiyeed, siyaasadeed, ciidameed, maaliyadeed, warfaafineed iyo kuwo caalami waxaana aasaas u ah loolan sirdoon. Waa in si hoose loo darsaa waxna laga bartaa dagaalada dheer ee jabhadeynta ah oo ay galeen dalal dhowr ah ee caalamka.
33. Dagaalka aan ku jirno guushiisu waxay ku xirantahay xiriirin iyo wadashaqeyn dhow ka dhaxeysa dhamaan qeybaha dowladda. Xarunta Xiriirinta Nabadgelyada Qaranka iyo La Dagaalanka Argagixisada ayaa laga hirgelin xafiiska Wasiirka Koowaad si qaab mideysan ay u xariiriso howlgalada, sirdoonka, qorsheynta, siyaasadda, warbaahinta, dib u dhiska iyo qalabeynta ciidamada. Xaruntu waxay sidoo kale hubin wadashaqeynta ciidamada qalabka sida, wasaaradaha iyo hay’adaha dowladda.
34. Inta lagu jiro xaaladda degdegga ah dalka waxaa loo qeybin 6 Aag Howlgaleed oo 5ta beelood ka wada midyihiin. Waa lama huraan in dowladdu ay meel un ka joogto dhamaan 6daa aag, halkaasina laga sii fidiyo maamulka dowliga ah. Aag kasta waxaa loo magacaabi Wakiilka Dowladda Federaalka iyo Taliyaha Aaga oon u dhalan degaankaas. Wakiilka Dowladda Federaalka wuxuu wakiil uga noqon xukuumadda dalka hubinta in maamul goboleedyada ku dhaqmaan dastuurka iyo sharuucda dalka sidoo kalena xiriirinta shaqaalaha iyo howlaha dowladda federaalka ee aagaas.
35. Waa lagama marmaan in xukuumaddu qaado olale lagu sugaayo xogaha dowladda. Xubnaha iyo howlwadeenada dowladda lama kulmi karaan shaqaalaha dowladaha shisheeye gudaha ama dibada dalka si ka baxsan shaqadooda iyo ogolaasho hore la’aanteed waana in ay warbxin qoraal ah kasoo gudbiyaan kulankooda. Madaxda iyo shaqaalaha dowladda heer kasto aan ka aheyn afhayeenada rasmiga ee xukuumadda iyo howlgalada ciidamada lama xariiri karaan saxaafadda dalka iyo dibada ogolaansho la’aan. Isbarbar yaaca iyo kala hadalka waa in uu joogsado.
36. Badbaadada iyo dib u soo nooleynta qaranku wuxuu ku xiranyahay dib u dhiska ciidamada qalabka sida oo loo fuliyo si dhab oo degdeg ah. Ciidanku wuxuu ku dhismi si iskaa ah oo aan dib u dhiska u bilowno anagoo cidna sugin lana kaashano dowlad walba oo diyaar u ah in ay nala dhisto ciidankeena si dhab ah.
37. Dib u dhiska ciidamada qalabka sida waa in loo fuliyo qaab qaran lana dhiso qeyb kasta uu ka koobnan jiray sida xoogga, booliska, nabadsugidda, daraawishta iyo asluubta. Qaab dhismeedka cusub ee ciidamada waxaa lagu saleyn nooca dagaalada dheer ee jabhadeynta ah oo u baahan guur-guurid iyo tabarteena dhaqaale. Xukuumaddu waxay magacaabi guddi qaran oo awood buuxda u leh dib u abaabulka ciidamada dhinac kasta. Guddigaan wuxuu ka koobnaan saraakiishi hore oo leh aqoon sarre, kuwaas oo aan ka qeybqaadan dagaaladii sokeeye magacna ku leh ciidamada dhexdooda.
38. Dowladda waa in ay si toos ah uga qorataa ciidankeeda dalka oo dhan ayna isku dhaftaa. Dib u habeyn kadib, ciidamada la xusho waxaa la siin direys nooc cusub iyo aqoonsi cusub oo biometeric ah. Darajooyinka ciidamada la iska xirtay waa in dib loo qiimeeyo lana waafajiyo aqoonta sarakiisha iyo tirada ciidanka. Ciidanka waa ka mamnuuc cunista khaatka iyo haysashada telefoonada gacanta waqtiga ay howlgalada ku jiraan.
39. Si loo helo ciidan rasmi ah, daacad u shaqeeya korna loogu qaado niyadooda, anshaxooda iyo qorashada ciidamada waa in dowladdu bixisaa si joogta ah mushaar, raashin iyo dawo ku filan. Dowladdu dadaal dheer haddii ay u gasho urruurinta dakhliga gudaha, ciidanka waxaa loo qoondeyn karaa ugu yaraan labo jibaar mushaarka iyo gunada ay hada qaataan. Naafada iyo agoonta ciidamada qalabka sida waa in dowlaaddu u qoondeysaa mushaar, waxbarasho, daryeel caafimaad iyo mashruucyo ay ku gaaraan isku filnaasho dhaqaale.
40. Ciidamada si degdeg ah ayaa lagu soo nooleyn karaa ayadoo la howlgelinaayo ciidankii hore iyo ciidankii dibadaha lagu soo tababaray xiligii ku meel gaarka ee fakaday dhaqaalo la’aan darteed kuwaasoo aan ku biirin mucaaradka hubeysan, dalka gudahiisana lagu qabto tababarada ayna bixiyaan saraakiil Soomaali ah, si iskaa wax u qabso ahna dib loogu howlgeliyo kulliyadihii iyo xerooyinka ciidamada. Xukuumaddu waa in qalab ku filan ay u raadiso ciidamada lana horumariyo awoodda dayactirka qalabka.
41. Wadaniyada, aqoonta iyo anshaxu waa jiritaanka ciidamada qalabka sida. Si intaas loo horumariyo waa in la dhisaa hoggaanka hanuuninta iyo waxbarashada ee qeybaha ciidamada, kaasoo adeegsanaya wargeysyada iyo kooxyadii fannaaniinta ciidamada. Hoggaanku wuxuu sidoo kale kobcin aqoonta asaasiga ee ciidamada. Booliska iyo maxkamadaha ciidamada waa in la balariyaa lana xoojiyaa si looga hortago xadgudubyada ciidamada.
42. Howlgalada ciidamada waa in la hubiyaa in dowladdu ku hanato qalbiga iyo maanka dadweynaha iyo taageeradooda si ficil ah. Si taasi loo hubiyo waa in gacan bir ah lagu qabto xadgudubyada ciidamada, isbaarada la dabar-gooyo oo la isla toogto askartii dhigatay iyo sarakiishooda, dadweynaha tabaaleysanna la gaarsiiyo gargaar bini’aadannimo. Goobaha la xoreeyo waa in durbadiiba dowladdu gaarsiiso maamul ku meel gaar ah iyo ciidamada nabadgelyada kana hirgeliso caddaalada. Sido kale waa in goobahaas laga hirgeliyo adeegga bulshada iyo barnaamijyo horumarineed, dadweynahana la dhexdhigo dib u heshiin balaaran.
43. Goob kasta oo ay dowladdu joogto waxaa laga sameen tirakoob dadweyne, qiimeyn heerka nolasha dadka iyo diiwaangelin dadka xaafadaha degan qofkastana la siin Aqoonsiga Muwaadinka iyo Warqada Deganaanshaha ee dowladda hoose. Aqoonsiyada waa in lagu bixiyo lacag la’aan ama qiimo aad u hooseyo si muwaadiniinta dan’yarta ah u qaataan taasoo nabadgelyada xoojini. Xogta diiwaangelinta waa in ay dowladda Soomaaliya haysaa aana shirkado shisheeye gacanta loo gelin. Xaafadaha waxaa laga fulin barnaamijka derisiyenta oo leh guddiyadooda kuwaasoo masuul ka ah wixii ku soo kordha xaafadooda.
44. Dadweyne wacyigooda wadaniyeed sareeyo, abaabulan oo hubeysan waa difaaca ugu adag. Xukuumaddu waxay abuuri Xoogga Dadweynaha oo ah maliishiyo ka taageera sugida nabadgelyada, xajinta goobaha la xoreeyo, xog helida iyo abaabulka dadweynaha. Dowladdu waxay masuul ka tahay abaabulidda, hoggaaminta, qalabeynta iyo taageeridda maliishiyadaan si la mid ah qeybaha kale ee ciidamada waxaana ay ku saleysnaan doonaan heer degmo oo isku dhafan.
45. Qoriga dalka kajira waa in uu noqdaa midka dowladda. Suuqyada ganacsiga hubka si degdeg ah ayaa loo xiri. Wejiga hore ee hub ka dhigista, hubka waaweyn dowladda ayaa la wareegi waxaana la diiwangelin oo la sharciyeen hubka yaryar ee kujirah gacmaha dadweyne.
46. Xukuumaddu waxay badin oo ay xoojin xeeryaha lagu kala shaandheeyo dagaalyahanada ka soo goosta nabad-diidka laguna dhaqanceliyo. Xubnaha soo goosta lagama qeybgelinaayo ciidamada iyo shaqaalaha dowladda laakiin waxaa loo abuuri xirfado iyo meheredo ay adeegsadaan si ay dib uga mid noqdaan bulshada.
47. Barakacayaasha magaaloyiinka daadsan waxaa lagu xareen xeryo magaalada geeskeeda ah oo dowladdu si buuxda gacanta ugu heyso halkaaso wixii gargaar ah loo soo mariyo. Sidoo kale, xeryahaas waxaa la gelin dadka laga saaro guryaha gaarka loo leeyahay iyo kuwa dowladda. Dowladu waa in sida ugu dhaqsaha badan ku soo xirtaa xeryaha barakacayaasha ayadoo dadkaas loo sameenaayo dib u dejin si ay noloshooda dib u la soo noqdaan. Qorshahaan wuxuu xoojin nabadgelyada iyo horumarka dalka.
48. Xukuumaddu waxay diyaarin ciidamo ilaalo qaran oo ilaalsha madaxda dowladda iyo hay’adaha shisheeye. Madaxda dowladdu toos uma qoran karaan ilaalo beeleed. Siyaasiinta iyo shaqsiyaadka aan dowladda kamid aheyn oo u baahan ilaalo waxaa loo diiwaangelin ilaalo kooban iyo hub fudud. Dowladdu waa in aysan ogolaan miliishiya gooni u taagan oo ay taageeraan dowladdaha shisheeye iyo ilaalo gaar loo leeyahay oo u dhisan qaab ciidan. Ilaalada gaarka loo leeyahay qeyb ayey ka yihiin nabadgelyo xumadda.
49. Aagag amni ah oo xiran ayaa la sameen kuwaasi oo ay degto dowladda iyo safaaradaha.
50. Xukuumaddu waxay qaadi olale balaaran oo cunaqabateynta dowladda saaraan sidii loo wada qaadi lahaa iyo in la meelmariyo cunaqabateynta saaraan nabaddiidka. Waxaa dib loo eegi howlaha guddiga cunaqabateynta.
Xasilinta Caasimadda
51. Muqdisho waa wadnaha dalka maadama ay tahay magaalo madaxda. Nabadgelyada iyo maamulka caasimadda oo salka loo dhigo wuxuu horudhac u yahay dib u soo noqoshada dowladnimada Soomaliyeed.
52. Xasilinta caasimadda inta aan lagu dhaqaaqin waxaa la diyaarin qorshaha, dhaqaalaha, ciidan xul ah ee Soomaali oo dhan ka kooban watana direys nooc cusub iyo aqoonsi biometeric ah, una dhan yihiin maamulka, hubka, agabka iyo wacyigelinta dadweynaha. Ciidamada aan kamid aheyn ciidanka sugida nabadgelyada aaga caasimadda waa la xareen.
53. Inta laga hubinaayo nabadgelyada caasimadda, bandoow ayaa lagu soo rogi gobolka habeenkii ayadoo la abaaraayo goobaha tuhunku soo galo. Howlgalada ciidamada nabadgelyada habeen iyo maalin ayey soconayaan.
54. Dadweynaha gobolka waxaa lagu samayn tirakoob, qiimeyn heerka nolashooda iyo diiwaangelin, waxaana lacag la’aan ama qiimo aad u jaban lagu siin Aqoonsiga Muwaadinka iyo Warqada Deganaanshaha. Tirada goobaha aqoonsiga lagu bixiyo waa in la kordhiyo. Muwaadin kasta ee degan gobolka waa in uu mudo gaaban gudaheed ku helaa aqoonsiyada oo wax weyn ka tari sugida nabadgelyada. Waxaa la hirgelin barnaamijka derisiyenta.
55. Degmooyinka waxaa laga abaabuli maliishiyada Xoogga Dadweynaha si dadweynahu uga qeybqaataan sugida amnigooda una taageeran ciidamada nabadgelyada.
56. Guryaha ama dhulalka gaarka loo leeyahay iyo kuwa dowladdu ee loo baahdo waa in laga saaro dadka deggan si magaalada Muqdisho u noqoto maagalo Soomaaliyeed ayna dowladdu ku shaqeyn karto. Dadka guryahaas laga saaray waxaa lagu xareeyn xeryaha barakacayaasha halkaasina loogu diyaarin barnaamij dib u dejin si ay noloshooda dib u la soo noqdaan. Guryaha iyo dhulalka la isku heysto waxaa loo sameyn maxkamad gaar ah oo xukunta.
57. Howlgalka xasilinta caasimada kadib, dowladda ku aruursan Villa Soomaaliya waa in ay kasoo baxdo ayna degto xaafadaha caasimada si nabadgelyadu loo sii adkeeyo. Wasaarad walba waa in ay dib u dhisataa ayna degtaa goobaheeda hore.
58. Ku guuleysiga howlgalkaan waa xalinta dhibka Soomaaliya barkiis. Guusha howlgalkaan wuxuu fududeen in dowladdu saldhigato ayna ku fido gobolada dalka taasoo soo yareeneyso khatarta argagixisada iyo faragelinta baahsan ee shisheeyaha. Xukuumaddu waxay cududeeda iskugu geyn in la gaaro yoolkaan mudo gaaban gudahiis.
Amisom
59. Ciidamo shisheeye dalka nooma nabadeyn karaan. Amisom waa taakulo kooban oo waqti xadidan joogi doono. Dadka Soomaaliyeed waa in ay dalkooda xoreystaan ayna nabadeystaan.
60. Heshiisyada iyo nidaamka howlgalada Amisom dib ayaa loo eegi si loo waafijiyo qorshaha qaran ee xukuumadda cusub. Ciidamada Amisom waa in ay ku shaqeeyaan rabitaanka dowladda Soomaaliyeed kuna ekaadaan taageerida dhinaca amniga.
61. Xukuumaddu waxay u howlgeli in howlgalka Amisom la waqtiyeyo lana cadeeyo goorta uu ku egyahay iyo jadwalka dhimidooda waana in aan la soo kordhin tiradooda. Wejiga hore ee bixitaanka ciidamada Amisom waxaa la bixin ciidamada Itoobiya iyo Kiinya.
62. Xukuumaddu waxay magacaabi guddi joogta ah oo soo baara xadgudubyada Amisom ee ka dhanka ah dadweynaha una soo dhiciya xaquuqdooda. Ciidamada Amisom ma qaadi karaan howlgal lagu baaraayo dadka iyo guryaha ayagoon la socon ciidamada Soomaaliyeed.
Dib U Dhiska Hay’adaha Dowladda iyo Xoojinta Dowlad Wanaaga
63. Hay’adaha dowladda waa aasaaska dowladnimada waxayna fuliyaan waajibaadka shaqo ee dowladda. Waa lagama maarmaan in hay’adaha iyo wakaaladaha aasaaska u ah dowladnimada dhamaan dib loo unko. Waxaa sida ugu dhaqsaha badan si iskaa wax u qabso ah dib loogu hirgelin macadyada maamulka, garsoorka iyo diblomaasiyada si loogu tababaro korna loogu qaado aqoonta qeybaha shaqaalaha dowladda. Xukuumaddu waxay xoogga saari degaameynta hay’adaha dowladda ayagoo la dejinaayo xarumahoodi hore.
64. Xukuumaddu waxay dib u dhisi ayna xoojin Koomishinka Shaqaalaha Rayidka ah oo dib u habeyn balaaran ku sameeya shaqaalaha rayidka ee dowladda ayadoo la is waafajinaayo baahida shaqale, aqoonta, darajooyinka iyo heerarka mushaaroyinkooda. Dib u habeyn kadib, shaqaalaha rayidka ah waxaa la siin aqoonsi cusub oo biometeric ah. Sidoo kale, waxaa dib loo eegi shuruucda iyo xeer-nidaamiyaasha shaqada dowladda.
65. Koomiishanka Shaqaalaha Rayidka ah keliyah ayaa qori kara sanadkii halmar shaqaalaha dowladda tartan imtixaan guud kadib kana shaqaaleysiin kara goobtii ku haboon. Qorista shaqaalaha waa in loo fuliyo qaab qaran oo laga qoro gobol kasta. Madaxda ama xafiis si toos shaqaale u qoran karo majiro si looga hortago shaqaaleyn qaab beeleed, is uruursi kooxeed ama soo dhexgelida jawaasiista. Hadii aysan jirin baahi gaar ah, waa in qorista shaqaalaha dowladda muhiimadda koowaad la siiyaa ardeyda dalka wax ku soo baratay si loola dagaalo shaqo la’aanta.
66. Si loo dhiso shaqaale rasmi ah, daacad u shaqeeya korna loogu qaado niyadooda iyo wax qabadkooda waa in dowladdu siisaa mushaar ku filan iyo agabka shaqada. Shaqaalaha rayidka ah oo ku dhinta ama ku naafooba howl qaran waxay la xaquuq yihiin sida kuwa ciidamada qalabka sida.
67. Xukuumaddu si ay maamulka dowladda uga dhigto mid jira dibna ugu kabsato kalsoonida dadweynaha Soomaaliyeed iyo beesha caalamka waa in ay si dhab ah ula dagaalantaa musuqmaasuqa oo ay hirgelisaa nidaam hufan iyo dowlad wanaag. Waxaa dib u eegis lagu samayn sharuucda maareynta maaliyadda dadweynaha oo qeexaysa dhamaan habraaca sharciga maamulka iyo maareynta maaliyadda dowladda lana hirgelin nidaam la jaan qaadi karo addunka casriga ah. Sidoo kale, waxaa dib u eegis lagu samayn sharuucda la dagaalanka musuqmaasuqa. Waa lagama maarmaan in la baaro oo la maxkamadeeyo kiisaska waaweyn ee musuqmaasuqa si loo xakameeyo musuqmaasuqa baahsan.
68. Canshuuraha dalka oo la ballaariyo si nidaamsan oo daah furanna loo qaado waxaan uga kaaftoomeynaa baryada dibada. Xukuumaddu waxay dib u eegis ku samayn shuruucda iyo habka urrurinta cashuuraha ayadoo la hirgelinaayo hay’ad qaran oo hab mideysan casrina ah u urruurisa canshuuraha dalka. Waxaa la adkeyn ciqaab sharciyeedka hor-istaaga iyo lunsashada canshuuraha dalka.
69. Xukuumaddu waxay dib u dhisi oo ay xoojin Bangiga Dhexe, Xisaabiyaha Guud iyo Hanti-Dhowrka Guud si ay u qaatan kaalintoodi dastuuriga ah ee maareynta maaliyadda dadweynaha si loo horumariyo dowlad wanaagga loolana dagaalamo musuqmaasuqa si dhab ah. Bangiga Dhexe keliyah ayaa lagu keydin karaa dakhliga soo gala dowladda, laguna bixin karaa hab sharciga waafaqsan. Waxaa si degdeg ah la soo xiri dhamaan xisaabaadka wasaaradaha iyo hay’adaha dowladda uga furan shirkadaha xawaaladaha.
70. Xukuumadda cusub waxay si dhaqso ah u diyaarin sharci ku qasbaaya dhamaan madaxda dalka iyo shaqaalaha dowladda in ay u soo bandhigaan dadweynaha dakhligooda iyo hantidooda sanad kasta, kana diiwaangeliyaan Hanti-Dhowrka Guud inta aysan qaban masuuliyadda xafiiska. Golaha Wasiirada cusub inta aysan qaban xafiiska, waa in ay soo bandhigaan dakhligooda iyo hantidooda oo aysan sugin sharciga cusub ansixintiisa si tusaale wanaagsan ay ugu noqdaan shaqaalaha dowladda.
71. La dagaalanka musuqmaasuqa waxaa kamid ah qandaraasyada dowladda in loo bixiyo si aan daahsooneyn iyo in muwaadinniinta Soomaaliyeed oo dhan si siman ugu tartamaan. Waxaa la diyaarin xeerka iyo hay’ada maareysa bixinta qandaraasyada iyo iibka hantida dowladda.
72. Madaxda iyo shaqaalaha sare ee dowladda waa in baasabooradooda Soomaaliga iyo kuwa ajnabiga laga xareeyo. Masuul kasta oo safraya, waa in uu ku safraa baasaboorka Soomaaliga. Arritaan waxay xoojin la dagaalanka musuqmaasuqa sidoo kale waxay soo celin nidaamka dowliga ah.
73. Xukuumaddu waxay magacaabi guddi qaran oo si dhab ah u dabagala hantida qaranka ee gudaha dalka iyo dibada ku maqan. Waxaa dib loo eegi sharuucda iyo hay’adaha maareeynta hantida qaranka.
74. Dowlad wanaagga si loo sii xoojiyo waxaa la unki nidaam adag oo dabagal iyo qiimeyn ku sameya habsami u socodka howlaha dowladda ayna kamid tahay qaab dadweynaha kaga soo dacwoon karaan xadgudubyada masuuliyiinta iyo hay’adaha dowladda. Waa nidaam ogaasho qaladaadka jira iyo sixidooda si degdeg ah. Wasiir Dowle hoos yimaada Xafiiska Wasiirka Koowaad ayaa horseedi fulinta howshaan muhiimka ah.
Abaabulka iyo Hanuuninta Dadweynaha
75. Burburka bulshada Soomaaliyeed wuxuu gaaray heer aad u xun taasoo aysan jirin meel u fiyoow ha noqoto dhaqan, culimo iyo qeybaha kale oo dhan ee bulshada.
76. Beel, urur iyo koox gooni ah ma badbaadin karaan qarankaan. Halganka badbaadada iyo dib u soo nooleynta qaranka dhiigisa waa dadweynaha soomaaliyeed oo hanuunsan oona abaabulan, hadana taageersan dowladda si niyad iyo ficil ah. Dowladdu si ay ugu guuleysato howshaan adag waa in ay ku shaqeysaa feker iyo ficil ku saleysan wadaniyad. Dadka Soomaaliyeed ayey awoodeena kujirtaa, dadkuna waa indho ku garaadle.
77. Xukuumaddu waxay dejin qorshe qaran oo lagu kicinaayo laguna abaabulaayo dadka Soomaaliyeed gudaha dalka iyo qurbaha, waxaana la dhisi Dhaqdhaqaaqa Dadweynaha Soomaaliyeed oo ah hay’ad qaran ee abaabusha qeybaha bulshada oo dhan. Qurbajoogta waxaa loo abaabuli in ay midoobaan, caalamka ka gadaan danaha dalka ayna ka qeyb-qaataan horumarka qaranka.
78. Xukumaddu waxay abaabuli Shirweynaha Wadatashiga Qaranka oo sanadle ah kaasoo isku keeni doona wakiilo matala dhaqanka, culumada, haweenka, dhalinta, ganacsatada, qurbajoogta, dowladda federaalka, maamul goboleedyada iyo ururrada qaran si looga wadatashado arrimaha muhiimka u ah qaranka. Shirweynaha Wadatashiga Qaranka wuxuu xoojini dib u heshiisiinta, mideynta mowqifka bulshada iyo abaabulka dadweynaha.
79. Bandhigga Soomaaliyeed oo ah bandhig faneed sanadle ah ayaa magaaloyinka qurbajoogta ku badanyihiin laga abaabuli, waxaana lagu soo gabagabeyn mid heer qaran ah oo dalka gudahiisa lagu qabto taasoo qeyb ka noqon doonta dadaalada dib u soo nooleynta hidaha iyo dhaqanka Soomaliyeed iyo abaabulka dadweynaha siiba qurbajoogta.
80. Xukuumaddu waxay abuuri nidaam warfaafin dowladdeed oo heer kiisu sareeyo loona qoondeeyey dhaqaale ku filin. Raadiyo Muqdisho, SNTV, Sonna, hobalada qaranka iyo shabakadaha internetka dowladda waa in la xoojiyo, la balaariyo lana casriyeeyo maadaama ay muhiim u yihiin wargelinta, hanuuninta iyo abaabulka dadweynaha.
Dib U Dhiska iyo Horumarinta Qaranka
81. Dib u dhiska iyo horumarka dalka waa in loo maro wado isku tashi iyo iskaa wax u qabso ah. Isku tashi iyo iskaa wax u qabo hore ayaa dalkeena loogu soo dhisay. Xaaladda nabadgelyo xumo iyo kala qebysanaanta dalka ka jirta lama filin karo deeq iyo maalgeshi shisheeye oo xoogan, mana haboona in waqti lagu lumiyo. Siyaasadaan ma’ahan mid aan addunka iskaga soo xirxireyno. Waa mid ku saleysan in marka hore waxa aan qabsan karno qabsano anagoo ku tashaneyno hantideena kadib adduunka wax wada qabsi ka raadsano ku saleysan iskaashi iyo kala faa’iideysi.
82. Hal heyskeenu ha ahaado, “intii aan wax baryi lahayn, aan wax soo saarno oona aduunka la ganacsano”. Deeq la soo bar’yey oo ay daba socdaan sharuudo badan dal ma horumariso. Wadada keliyah ee noo furan waa in aan dadkeena u abaabulno qaab iskaa wax u qabso ah, kobcinta dhaqaalaheena aasaasiga ah (xoolaha, beeraha iyo kalluumeysiga), iibgeynta wax soo saarka dalkeena oo ay la socoto dhiiragalin maalgashi waxtar leh siiba maalgashiga qurbajoogta.
83. Waxaa dib loo abuuri Gurmadka Qaranka oo dadka shaqo la’aanta ah u abaabuli qaab xoog shaqo ee ka qeybqaata dib u dhiska dalka. Barnaamijkaan waxaa lagu socodsiin shaqo cuno ku bedalasho iyo guno yar. Guutooyinka Gurmadka Qaranka waxay dib u dhis ku sameyn guryaha dowladda, iskoolada, isbitaalada, jidadka, buundooyinka, kiliyaha waraabka, biyo qabatiinada, beeraha dowladda iyo ilaalinta degaanka.
84. Dadweynaha waxaa lagu hanuunin in aysan wax walba ka sugin dowladda. Qeybaha bulshada ee degaan walba waxaa loo abaabuli in si iskaa wax u qabso ah uga qeybqaatan horumarinta degaankooda. Ardeyda dugsiyada qeyb kamida waqtiga fasaxa sanadlaha ah waxaay si iskaa wax u qabso ah u fulinayaan barnaamij qaran ee lagu horumarinaayo nadaafada magaaloyinka, degaanka iyo kheyraadka dabiiciga. Waxaa la aasaasi barnaamij lagu diiwaangelinaayo xirfadlayaasha Soomaaliyeed oo diyaar u ah in si iskaa wax u qabso ah ugu tabarucaan qeyb kamid ah waqtigooda dib u dhiska dalka.
85. Sanduuqa Horumarinta Qaranka waxaa lagu maalgelin barnaamijyada dowladda ee gargaarka bini’aadannimo, dib u dhiska iyo horumarinta qaranka sida: dib u habeynta hay’adaha iyo dowlad wanaaga; abaabulka dadweynaha, dib u heshiisinta iyo nabadeynta; Gurmadka Qaranka iyo iskaa wax u qabso; dib u dhiska kaabayaasha dhaqaalaha; waxbarashada; caafimaadka; biyaha iyo waraabka; beeraha; xanaanada xoolaha; kalluumeysiga; dhaqancelinta dagaalyahaanada; dib u dejinta barakacayaasha; ciribtirka saboolnimada; ilaalinta degaanka iyo kheyraadka dabiiciga; horumarinta hidaha, dhaqanka iyo ciyaaraha; miino saarka.
86. Mucaawino iska socoto waxay dadka badi baryo, waxayna burburin wax soo saarka dalka. Gargaarka hay’adaha mucaawinooyinka iska bixiyaan markasta waa in la joojiyaa maadama laga gudbay macluusha waxaana barakacayaasha loo sameyn dib u dejin ay noloshooda dib ula soo noqdaan. Meelaha ay dowladda toos uga taliso waa in si toos ah gargaarka bini’aadnimo loo soo mariyo dowladda. NGO-yada faraha badan aan dalka wax u tareyn waa in la mamnuuco. Dowladdu waxay siin ogolaasho NGO-yada loo garto waxtar in ay u leeyihiin horumarinta qaranka waana la dabageli si joogta ah waxqabadkooda.
87. Dib u soo nooleynta dhaqaalaha waxaa aasaas u ah xoojinta nabada, sareeynta sharciga, dib u eegista sharuucda ganacsiga iyo canshuuraha ee dalka si loo casriyeeyo loona fududeyo, dib u dhiska kaabayaasha dhaqaalaha, kobcinta aqoonta dadweynaha siiba farsamada iyo tiknoolijiyada, taageerida wax soo saarka dalka, dhiirigelinta maalgashiga iyo soo daabicid shilin Soomaali cusub.
88. Xukuumaddu waxay abuuri Hay’adda Iibgeynta iyo Maalgashiga oo qaab mideysan u hagta iibgeynta wax soo saarka iyo maalgashiga dalka. Waxaa si gaar ah loo dhiiragelin laguna taageeri canshuur dhaaf ama dhimid iyo dhul siin ganacsatada Soomaaliyeed ee maalgeliyah wax soo saarka dalka, kuwaas oo abuura warshado shaqaaleya shaqaale badan. Waxaa canshur kordhin xooggan lagu sameen alaabaha dibada laga soo dhoofiyo ee dalka laga heli karo si loo taageero wax soo saarka dalka iyo kuwa wax u dhimaayo degaanka iyo caafimaadka.
89. Xukuumaddu waxay xoogga saari la dagaalanka saboolnimada iyo taageerida qeybaha nugul ee bulshada. Waxaa la abuuri bangi amaahda yaryar oo maalgeliya danyarta si ay u gaaraan horumar dhaqaale. Waxaa xoogga la saari dib u soo nooleynta waxbarashada dowladda ee lacag la’aanta ah, ciyaaraha, fanka iyo shaqo abuuris si dhalinyarada looga hanuuniyo ka qeybqaadashada dagaalada, falal dembiyeedyada iyo tahriibka.
90. Ilaalinta degaanka iyo kheyraadka dabiiciga waa tiir muhiima oo kamid ah qorshaha dib u dhiska iyo horumarinta qaranka. Xukuumaddu waxay dejin qorshe siyaasadeed oo hagaya ilaalinta, maareynta iyo ka faa’iideysiga degaanka iyo kheyraadka dabiiciga. Waxaa lagu dhaqaaqi olale lagu joojinaayo oo dib loogu kabayo dhaawaca baaxada weyn ee ku socda deegaanka iyo kheyraadkeena dabiiciga kaaso khatar ku ah caafimaadkeena iyo horumarkeena mustaqbalka. Waxaa la hubin in uu hirgalo go’aanka mamnuucida ka ganacsiga dhuxusha. Soo dejinta iyo ka ganacsiga gaaska dabiiciga ah waxaa loo sameen canshuur dhaaf si looga guuro isticmaalka dhuxusha oo khatar ku ah degaanka.
Iskaashiga Calaamaka
91. Dowladaha shisheeye ee horay ugu lugta lahaa arrimaha Soomaaliya taageeradoodi laguma diirsan. Xukuumadda cusub waxay ku dhaqaaqi siyaasad furfuran oo ay dalka taageero uga raadineyso addunka oo dhan. Dalkii diyaar u ah wax wada qabsi ay dan noogu jirto waa in aan wax la qabsano si geesinimo iyo dib u dhigasho la’aan ah.
92. Heshiisyada lala galay dowladaha iyo hay’adaha caalamka dib ayaa loo eegi si loo waafijiyo shuruucda dalka iyo qorshaha qaran ee xukuumadda cusub.
93. Waxaa la unki guddi qaran oo xiriiriya deeqaha dibada. Taageerada dib u dhiska iyo horumarinta ee dowladaha shisheeye waxaa la soo marin Sanduuqa Horumarinta Qaranka si qaab isku xiran loogu fuliyo barnaamijyada horumarinta ee dowladda iyo beesha caalamka.
94. Taageero la’aanta haysata dalka qeyb weyn waxaa ka ah dabagal la’aanta balanqaadyada caalamka. Waxaa la unki qeyb dabagasha balanqaad kasta ee beesha caalamka.
IV. GUNAANAD
95. Xalka Soomaaliyeed wuu ka baaxad weyn yahay qabashada doorashada 2016ka. Golaha Shacabka, madaxtooyada, xukuumadda, hoggaanka dhaqanka, culimada iyo dhamaan qeybaha bulshada Soomaaliyeed ayaan la wadaagi qorshahaan qaran oo baddal u ah Higsiga 2016ka ee fashilmay.
96. Geedi-socodka badbaadinta iyo dib u soo nooleynta qarank Soomaaliyeed waxaa uu ku qotomaa qorshe iyo xeelad cusub oo fuli kara kuwaaso looga bixi karo masiibada ku habsatay qaranka Soomaaliyeed. Waqti laba labeen ah lama joogo, isbadeladaanna waa in lagu dhaqaaqo inta ay dowladda iyo dadka Soomaaliyeed wax gacanta ugu jiraan.
97. Mucaaradku waxay wax ku yihiin liidnimada dowladda. Culeysyada dowladda heysta badankood waxay ku yimaadeen hoggaan, dhaqaale iyo ciidan xumadda dowladda. Haddii qorshahaan siddiisa loo fuliyo, Ilaahey idinkiis waxaa waqti dhow meesha ka bixi culeysyadaas.
98. Qorshahaan isbadelada uu xambaarsanyahay si ay u hirgalaan waa in si buuxdo loo qaato. Fulinta qeybo kamid ah wax ay soo kordhin majirto maadaama qeybaha qorshaha ay isku xiranyihiin ayna is xoojinayaan.
99. Fulinta qorshahaan wuxuu u baahanyahay geesinimo, daacadnimo iyo isku tashi.
__________________________
Maxamed Cabdullahi
9 August 2015
mahamedabdullahi2010@gmail.com