Heyada lacgta aduunka oo 14 million amaahisay dawlada Jabuuti
Jabuuti Feb 08,2012(qurbejoog.com)Heyada lacagta Dunida (IMF)ayaa kabid ku sameysay lacago dawlada Jabuuti ay u amaahisay oo ay ku biirisay $14 million oo dollar si ay dalkaa uga caawiso la tacaalida abaariha ku dhuftay gobolka geeska Africa.
IMF ayaa sheegtay in si dhakhso ay u bixin doonto $9.7 miliion oo dollar oo dawlada Jabuuti gacanta loo gelin doono si dedaalka loo anba qaado.
Dawlada Jabuuti ayaa sanadii 2008dii waxa ay IMFta ka dalbatay oo loo ansixiyay amaah gaadheysa $19.6 million oo dollar.
Ku-xigeenka maareeyaha IMF Nemet Shafik ayaa sheegay sicir bararka ku yimi quutul duruuriga iyo abaaraha ayaa si gaadha u saameeyay dadka dan yarta ah ee ku nool dalka Jabuuti.
Jabuuti ayaa ka mid ah shacabka geeska Africa ku nool ee lagu qiyaasay 13ka million ee abaaraha iyo macluushu isu kaashadeen sanadihii u danbeeyay.
Qurbejoog-Jabuuti
contact@somalidiasporanews.com