“Heshiisyada aanu shirkadaha kula jirnaa waa qaar Ganacsi oo shirkado Baatrool lala galay, heshiisyada distoorku qorayo in xeer-dejinta la hor geeyaana waa kuwa caalamiga ah…”Wasiirka Macdanta
Hargaysa 17. March 2017 (SDN/QJ):- Wasiirka wasaaradda Macdanta iyo Tamarta Somaliland Md. Xuseen Cabdi Ducaale, ayaa markale si adag u difaacay walaaca ka imanaya hawlaha shidaal-baadhista ee ay wasaaraddiisu meelo badan oo dalka kamid ah ka waddo, kuwaas oo ay hay’adaha sharci-dejinta dalku ku doodayaan inaan waxba lagala socod siinin oo uu wasiirku kaligii iska maamulayo.
Wasiir Xuseen oo warbaahinta shalay la hadlay, ayaa ku adkaystay inaanay waaxaha sharci-dejinta ee dalku xaq ugu lahayn inuu horkeeno hawlaha shidaal baadhiseed uu haatan wado, waxana uu ku dooday inay haatan arrintu salka ku hayso kaliya arrin ganacsi oo aanay heer caalami u gudbin, waxana isaga oo arrimahaas ka hadlaya uu yidhi, “Heshiisyada aanu shirkadaha kula jirnaa waa qaar ganacsi(commercial) oo shirkado Baatrool lala galay, heshiisyada distoorku qorayo in xeer-dejinta la hor geeyaana waa kuwa caalamiga ah, distoorkana waxa ku qoran haddii ay heshiisyadu culays maaliyadeed keenayaan waa in xeer-dejinta la hor geeyaa, inaguna baadhistan lacag gashanaynaa ma jirtee waa lacagtaas ay shirkadaha ajaajibka ahi ku khamaarayaan ee haddii ay helaana aynu la qaybsanayno, haddii ay waayaana ay halkaas ka baxayaan.”
Wasiirka macdanta oo haatan ku hawllan baadhis shidaal oo gobollo badan oo dalka kamid ah laga wado, ayaa muddoyinkii ugu dambeeyey la kulmayey cadaadis kaga imanayey golaha wakiillada dalka oo tallaabooyinka baadhiseed ee uu wado ku sheegayey qaar aan sharciga waafaqsanayn, iyaga oo sheegayey inaan heshiisyadaas lala galay shirkadaha shidaalka baadhaya la hor keenin oo aanay waxba kala soconin.
Xuseen Cabdi Ducaale, ayaa kamid ah wasiirrada tirada yar ee magacaabistoodu la kawsatay madaxweyne Siilaanyo, waxana ay qaybo badan oo bulshada kamid ahi u arkaan siyaasi ka faa’iidaystay taageerada madaxweyne Siilaanyo oo ku tallaabsaday arrimo badan oo ka baxsan awooddiisa.