Heshiiskii Lagu Saxeexay Garoowe Oo Galaaftay Rejadii Uu Cali Khaliif Ka Qabay Xasan Sheekh+ Prof Galaydh oo Xidhiidhka u Jaray Somalia DAAWO
Buuhoodle, 08.April 2016 (SDN/QJ):- Kooxda la baxday Khaatumo ee ka dhaqdhaqaaqa Deegaannada Buuhoodle iyo Sool, ayaa sheegay inay jareen Xidhiidh ka dhexeeyay Dowladda Federaalka Soomaaliya, kaddib markii uu saameyn culus ku yeeshay heshiiskii ay Xukuumadda Somalia iyo maamulka Puntland ay dhawaan ku kala saxeexdeen magaalada Garoowe.
Kulan Kooxda Khaatumo ku yeesheen Magaalada Buuhoodle, ayay kaga hadleen heshiiskii ka dhacay Garoowe oo ay ku sheegeen inuu yahay mid gef lagaga galay shacabka ku nool deegaannada ay ku dhuumaaleystaan ee Buuhoodle iyo Sool.
Hoggaamiyeha Kooxdaasi Cali Khaliif Galaydh oo halkaas ka hadlay, ayaa sheegay inay muddo dheer ay isku dayeen in dowladda Xasan Sheekh Maxamuud Masiirka ummadda ay metelaan, balse ay ka dhego-adaygeen, “Heshiiska labada wiil ee ilmo adeerka ahi – ay ku galeen Degmada Garoowe oo Dowladda Federaalka iyo Puntland ay ku matalayeen, waa mid ummadda Soomaaliyeed u horseedaya bur-bur, waxaana leeyahay – Balaayo daaman la qabtay leedahaye dabo la qabto ma lahan,” ayuu yidhi Galaydh oo intaas ku daray in wixii ka dhasha kooxaha kaalmaynaya ay ku adkaan doonto xal ka gaadhistooda.
“Warkeygu wuxuu ku eg-yahay Dawladda Xamar cilaaqaadkii ayaanu ka jarnay, Puntland-na awalba khayr badan nooma dhexayn,” ayuu Prof. Cali Khaliif Galaydh hadalkiisa kusoo Gunaanaday.
Ugu dambeyn War-saxaafadeedka Khaatumo ayaa waxaa keenay, kaddib markii Puntland Qalinka loogu duugay inay Magacaabaan Xildhibaannada beelihii dhistay Puntland, taasoo bannaanka ka dhigtay Kooxda Khaatumo in ay soo xulaan cid u metesha labada Aqal ee Dowladda Federaalka Soomaaliya ee lasoo dooran doono dhawaan.