|

Heshiiskii Dhawr Todobaad ka Hor ay wada Saxeexeen Labada Madaxweyne ee Somalia Iyo Kenya oo Durba buray

Nairobi 05. April 2017 (SDN/QJ):- Madaxweynaha Dawlada Federaalka Somalia Maxamed C.laahi Farmaajo ayaa Socdaal uu Bishii dhamaatay ee March ku tegay Magaaladda Nairobi waxa uu la Saxeexday Dhigiisa Kenya Uhuru Kenyata Heshiis dhigayay in Diyaaradaha ka soo duula Madaarka Aadan Cade ee Muqdisho ay Toos uga degaan Madaarka Nairobi halkii ay Markii hore ku sii hakan jireen laguna baadhi jiray Magaaladda Wajeer.

Madaxweynaha Soomaaliya Farmaajo iyo dhigiisa Kenya Uhuru Kenyatta ayaa qodobada heshiiska ay qalinka ku duugeen waxaa ka mid ahaa in meesha laga saaro duulimaadyada ka baxa Somalia ee sii mara Wajeer.

Kenya ayaa sheegtay iney heshiiskaas dhaqan gelisay, iyadoo maalmo ka hor dayuurad ka baxday Muqdisho ay duulimaad toos ah ku tagtay magaalada Nairobi.

Haddaba ayaa iyadoo arintaas ay jirto ayaa maanta mar kaliya xaalku isbedelay markii dayuurad ka baxday Muqdisho oo ku sii jeeday Nairobi lagu qasbay iney fariisato garoonka magaalada Wajeer taasoo meel ka dhac ku ah heshiiskii labada dal ay dhowaan kala saxiixdeen.

Dayuuradan oo ay laheyd shirkadda African Airweys ayaa muddo labo saacadood ah lagu heystay Wajeer, waxaana dayuurada wax ka saarnaa siyaasiyiin Soomaali ah.

Dhinaca kale, Warar kale oo aan la xaqiijin ayaa sheegaya in garoonka dayuuradaha Nairobi ay ku xaniban yihiin dad Soomaali ah oo heysta baasaboorada shaqada iyo kan diblomaasiga ee Somalia ka dib markii loo diiday in Visaha Kenya la siiyo, iyadoo heshiiska labada dowladood uu qorayey in Soomaalida baasabooradaas heysta visaha Kenya laga siiyo garoomada dalkaas.

Dowlada Kenya ayaan illaa hadda ka hadlin sababaha keenay iney ku xad gudubto qodobo ka mid ah heshiiska ay la gashay dowlada Somalia, dhinaca kalena madaxda Soomaalida oo arintan la yaabay ayaan wax hadal ah ka soo saarin weli.

Comments are closed