|

Heshiiskaa Ay Madaxweynaha Iyo Gudoomiyaha Kulmiye La Galeen Shirkadda Imaaraadka Waa Sharci Darro” Xildhibaan Siciid Cilmi Rooble DAAWO

Hargaysa,12,May 2016 (SDN/QJ):- Xisbiga mucaaridka ah ee Waddani ayaa si kulul u cambeereeyay heshiiska wareejinta dekedda Berbera ee dhexmaray xukuumadda iyo imaaraadka carabta, isla markaanna waxay sheegeen in xisbiga waddani aaminsanyahay heshiiska dhexmaray xukuumadda iyo imaaraadka carabtu inuu yahay mid baalmarsan sharcigga.
Gudoomiyaha xigeenka xisbiga Waddan Axmed Muumin Seed, Xildhibaan Siciid Cilmi Rooble, siyaasi Cali Cantar iyo siyaasi Farxaan faacuul, oo ka hadlay heshiiskaa ayaa sheegay inay qaydhin yihiin xogaha heshiiskaasi. “Waxaanu shacabka reer Somaliland u sheegaynaa, heshiiska ay madaxweynaha iyo gudoomiyaha kulmiye la galeen shirkadda Imaaraadka in aanan waxba kala socon, xisbiga wadanina waxba ka ogayn, umadda reer Somaliland waxba ka ogayn, golayaashuna aanay waxba ka ogayn. Arrin qarsoodi ah oo beryahaba la maleegayay oo dabadeedna heshiiskaasinna yahay heshiiska xaaraan ah anagu taanu umadda u iclaaminayna waataa, oo mowqifka xisbigu waa kaa. Dawladdan kama badna todoba bilood waxa u hadhay, nimanka imaaraadkuna way ku soo noqnoqonayeen dalka, xidhiidhkeenna inaga iyo carabna waa la ogaa, ee haamaha ka tagi waayay ee ka tagi waayay ciidii oo qaarbaa qandaraas lagu siiyay dira, dhegxaanta qaarbaa dira oo niman qawlaysato ah ayaa ina haysata”ayuu yidhi Siciid Cilmi Rooble. Isagoo arrimaha ka hadlay wuxuu yidhi; “Dhibaata ina haysata, shacbigii reer Somaliland, shacbigani waxaan u malaynayaa wuu falan yahay, berigii horre ayaynu odhan jirnay waa nayla falay oo Daahir baa ina falay, walaahi in aanu ina falin Daahir ee Siilaanyo iyo dirkiisa ayaa ina falay iyo madaxtooyadiisa ayaa ina falay oo qof madaxa kor u qaadayaaba ma jiro. Waxaan idiin leeyahay dalku wuxuu maanta maraya in la iibiyo oo Xamar la inagu wareejiyo, maalin dhawayd niman baa tegay turkiga oo yidhi afti ha laga qaado afar magaalo.”
Sidoo kale, Siyaasi Cali Cantar ayaa xaaraan ku tilmaamay heshiiska dhexmaray xukuumadda Siilaanyo iyo Imaaraadka carabta.“Madaxweynaha waxaanu u sheegayna inuu arrintan ka fiirsaddo, waayo sababto ah mar haddii uu muddo kordhin marayo waqtigii la doortay ee dadku doorteena ay dhaaftay, awood saxeex ma laha, saxeex cidkale lala saxeexii karo ama qof kale lala saxeexii karaa ama company kale lala saxeexii karaa ama dawlad kale lala saxeexi karaa ma jirto oo waa xaaraan.”ayuu yidhi Cali cantar.
Dhinaca kale, Gudoomiye ku-xigeenka xisbiga Waddani Axmed Muumin Seed ayaa isna heshiiska ku tilmaamay mid sharci darro ah. “Runtii waxa nasiibdarro ah oo wax laga xumaado ah, waxaanu aad iyo aad uga xun nahay inay imaaraadka carabta ay heshiis la soo saxeexdeen xukuumaddan hormoodka u yahay Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) oo uu ku wehelinayo gudoomiyaha xisbiga kulmiye Muuse Biixi Cabdi, arrintaas oo baalmarsan sharciga dalka.”ayuu yidhi Axmed Muumin Seed.

Comments are closed