|

Heshiiska maanta ee labada xisbi-mucaarad waxa hadheeyey oo Ka muuqda fikirkii Waddani

     fffffHargeysa 24-july-2013 (SDN)Waxa maanta soo baxay qoraal dheer oo ay labada xisbi ee Ucid iyo Waddani soo saareen kaas oo ka kooban heshiis is af-garad  oo  Toban qodob xambaarsan, kaas oo labada dhinac u wada dhan yihiiin.

Heshiiskan is af-garad ayaa sida muuqata ah mid ay labada xisbi uga danleeyihiin inay bulshada tusaan inay ka heshiiyeen utumihii iyo Turaan-turrooyinkii siyaasadeed oo dhex yaallay ee meesha ka saaray awooddii mucaaridka Somaliland.

Sida xaqiiqada ah heshiiskan kama muuqdaan tallaabooyin wax ku ool ah  oo culays lagu saarayo xukuumadda talada haysa  ku talax-tagtay la macaamilka jawiga aan mucaaradada lahayn, waxana si aad ah uga dhex muuqda qodobo aan sidii la rabay u diirdiirrayn oo la jaanqaadaya siyaasaddii qaboobayd ee xisbiga Waddani ku soo dhaqmayey.

Sidoo kale meesha kama muuqdaan afkaartii ad-adkayd ee xisbiga Ucid caanka ku ahaa ee uu xukuumadda ku caddaadin jirey, waxana sida muraayadda heshiiskan looga dhex arkayaa inuu xisbiga Waddani heshiiskan kaga adkaaday xisbigakale ee Ucid maadaama qodobadu u badan yihiin qodobo qabqabow oo u badan kuwod dawo uu loogu raadinayo  shakigii labada xisbi soo kala dhex galay.

Dhinaca kale marka laga eego Xukuumadda iyo xisbigeeda Kulmiye oo si aad ah uga cabsoonayey waxa ay labada xisbi soo saari daanaan, ayaa ku farxay heshiiskan aan diirranayn ee siyaasaddii ay hadhaysay.

Qodobadan haatan soo baxay qaar ka culculus oo lagula xisaabtayo xukuumadda, ayaa sida xaqiiqda ah laga filayey maanta labadan xisbi, balse wax sidii la doonayey u culusi kama ay soo bixin.

Gabagabadii waxa kaliya ee mudan in la xuso ee meesha ka soo baxay ayaa ah  in laga heshiiyey xurgufihii dhexyaallay labada xisbi ee u jeellan inay is garab sadaan, iyadoo arrintaasna shaki ka taagan yahay sidii loo dhaqan gelin lahaa, maadaama labada xisbi  fikir ahaan kala aragti duwan yihiin gaar si weyn ugu kala fogyihiin sida loo soo bandhigayo dhaliilaha xukuumadda maanta.

 

Somalidiasporanews.com

Axmed Cumar Axmed (timo)

Hargeysa  Somaliland. 

mawliidguure@yahoo.com

Comments are closed