|

Heshiiska Jubba, Mise Jubbaland?!

Sideedaba, xal u raadin dhibaato jirta ama heshiisna laga gaaro colaad iyo muran socda, ha noqdo mid u dhexeeya labo shakhsi, kooxo is hay, mid ka taagan bulso dhexdeed ama gaarsiisan heer dowladeed, waa arrin lagu farxo oo mudan inla la soo dhaweeyo madaama heeshiisku keenayo inla gudbo mashaakil, laguna tilaabsado isaf-garad, nabad iyo horumar.

Iyadoo ay taas jirto, ayaa arrinta colaadda siyaasadeed abuurtay ee ku saabsan maamul u sameynta, wax loo bixiyay, JUBBALAND oo inta ay tahay mushkilo Soomaaliyaad inla eg ama ka culus ah dhibaato qorshe iyo naqshad, (Plan setting) lagu soo dhisay wadamada dariska ah, salkana loo dhigay magaalada Kismaayo maamulka xaqiiqdiisu tahay mid dalka lagu soo galiyay qaab suuqmadow ah, (Clandestine), islamarkiibana loogu yeeray dowlad goboleed qayb ka ah hanaanka federaalka Soomaaliyeed!!

Dhinac kale, waxaa is weydiin mudan maxaa dowladda Soomaaliya ku kalifay inay heshiiska qaabkan ah la gasho maamulka ururka Raaskambooni iyo taageerayaashiisa u dhaqdhaqaaqa ee jooga magaalada Neyroobi ee iyagu, asal ahaan, alifay magaca sameyska ah, (Fabrication) ee Jubbaland

Waxaan la ogyahay in shirarkii urur goboleedka IGAD ee la qabtay sanadkan 2013-ka, gaar ahaan Kalfadhigii 22-aad ee aan Caadiga Aheyn ee madaxdda dalalka IGAD ku yeesheen Addis Abaab 24-kii May iyo shirkii ugu danbeyay ee ka dhacay Kambaala 4-tii Augoost oo ay ku kulmeyn madaxda wadamada ciidamadoodu joogaan Soomaaliya, dhammaan shirarkaas waxaa lasoo jeediyay in dowladda Soomaaliya ay iyadu leedahay hogaaminta maamul u sameynta gobolada dalka iyo dib u heshiisiinta bulshada ku dhaqan goboladaas

Iyadoo shirarka madaxada IGAD lagu adkeeyay in Dowladda Soomaaliya ay qabto shirweyne qaran oo lagu daweynayo arrinta Kismaayo iyo maamul u sameynta gobolada Jubbooyinka, ayaa waxaan figrad toosan aheyn in si gaar ah loo tilmaamo ama loo soo jeediyo in dowladdu si gaar ah u maamusho ilaha dhaqaale ee dekadda iyo ayroboorka magaaldada Kismaayo, taasoo bixineysa sawir ah in dowladdu tahay mid dheef doon ah oo loolan dhaqaale kula jirta maamulka Kismaayo!!

Haddii aan si kale u sheego, waxay aheyd arrin taabaneysa sumacad dowladda, haddii la tixgaliyo waajibka guud ee looga baahanayahay inay ka qaadato xal u helidda dhibaatada Jubbooyinka, in si gooni ah loo soo qaado in dowladdu ay maamusho dhaqaalaha kasoo baxa dekadda iyo ayroboorka, arrintaas oo sameyneysa macno ah: inta kale ee arrimaha gobolka inay gaar u tahay maamulka Raaskambooni oo, sida laga war qabo, xeel iyo xoog kula wareegay talada maalada Kismaayo

Runtii, waxaa leys weydiinayaa maxaa arrinta Jubbooyinka geeyay Addis Abaaba, kana dhigay arrin dowlado kale iyo ururo ay xal u raadinteeda ku lug yeeshaan?!

Su’aashaas waxay dhalineysaa isweydiin kale oo muhiim ah taasoo ah: dalku miyuusan ka bixin marxaladdii ku meel gaarka aheyd; sidaa awgeed, mashaakilka siyaasadeed ee hadda ka jira gobolada dalka ama ay dhici karto in mustaqbalka ay ka dhacaan gobollo kale, miyaysan aheyn arrin u gaar ah Soomaaliya, lagana rabo dowladda iyo baarlamaanka inay xal Soomaaliyeed u raadiyaan?!

Dadku waxay heshiiskan Addis Abaab ka dhacay ugu biyo diidsanyihiin, kuna doodayaan: haddii ay dowladdu ogolaatay xaqiiqada ka jirta Kismaayo oo ah in maamulka Jubbalaand yahay mid ay wadamo shisheeye gadaal ka riixayaan, sidaas daraadeena ka tan weyn iyada, maxay dowladdu ka yeeleysaa beelaha ku dhaqan gobolada Jubooyinka ee aan marnaba ogolaaneyn in iyagoo aan raalli aheyn talada dagaanadooda dad kor ka yimid loo gacan galiyo

Qodobada heshiiska Addis Abaaba lagu saxiixay waxaa ka mid ah in hogaanka hadda ka jira Kismaayo uu labo sanno si ku meel gaar ah u maamul gobolada Jubbooyinka, goboladaas oo noqonaya Gobolka Gedo, Jubbada Dhexe iyo Jubbada Hoose; islamarkaana hogaamiyaha Kismaayo uu magacaabayo gudoonka labada gobolada ee kale!

Siday ahaataba, Dowladda Soomaaliya oo aad moodo inay door bidday qaabkaas inay kula tacaasho ama, ugu yaraan, ku dabciso culeyska ka saaran arrimaha walaacsan ee Jubooyinka, dhinac kalena u muuqata in maareynta fulinta barnaamijyadeed siyaasadeed uusan JADWAL fiican ku socon, gaar ahaan, marka la fiiriyo dhinaca ka qaybgalinta iyo xiriirinta waxgaradka bulshada, (Public engagement policy); arrintaas oo lagama maarmaan u ah dib u heshiisiinta iyo xaqiijinta midnimada bulshada

Heshiiskan ay magaalada Addis Abaaba ku wada saxiixeyn 27-ka Augoost 2013 labada dhinac ee Dowladda Dhexe iyo maamulka Kismaayo ka taliya, dhinaca shuruucda, dibiicad kasta uu yeesho iyo waxuu keenaba, waxaa ka horeeya oo tixgalin mudan sida ay u arkaan beelaha kala duwan ee gobolada Jubbooyinka ku nool

Haddii ugu danbeyntii arrinta hashiiska ay noqoneyso mid Soomaaliyeed oo joojineysa colaadda iyo muranka, waxaa haboon in dulqaad iyo ka dhur sug lagu qaabilo, mas’uuliyad weyna la muujiyo madaama ay arrintu u dhamaaneyo maslaxda guud ee dalka.

Sida jirta, heshiisku waxuu ifinayaa in magaca gobolka loo daayay sidii hore, lagana reebayo ereyga qalaad ee ‘LAND’ -eraygaas oo muuqaal xun, (Negative image) u yeelay JOGORAAFIGA siyaasadeed ee dalka ka dib burburkii ku yimid dowladdii dhexe ee Soomaaliya

Arrinta la sugayo waxay tahay sida aw u dhaqamo hogaanka maamulka JUBBA ee ku meel gaarka ah. Waxaa la filayaa in xiriirka ka dhexeen doona labadan dhinac ee heshiiska gaaray uu dhinac toosan u socdo, kuna soo baxo mid Soomaali ka dhexeeya oo aysan dowlado kale soo faro-galin ama aan ku xirnaan wadamada dariska

Haddii xaalku uusan sidaas noqon, hesheeskan wax macno ah ma yeelanayo, arrintuna waa halkeedii; waa JUBBALAND oo ah aag iyo dhul gaashaman, (Buffer Zone) oo looga taliyo meel aan Soomaaliya aheyn!!

Qalinka: Xassan Xayle

Comments are closed