“Heshiiska Dekeda Berberi Waa Xaaran,……Madaxweyne-Siilaanyo-na Maxkamad ha lagu soo Taago….” Mujaahid ooto-biixi
Hargaysa 15.May 2016 (SDN/QJ):- Mujaahid Maxame Biixi Caali “Ooto” oo ka tirsan masuuliyiinta sar sare ee Xisbiga WADDANI ayaa naqdiyay Heshiiska ay xukuumadda Madaxweyne-Siilaanyo ku kireysay Dekedda Berbera,isaga oo ku tilmaamay inaanu ahayn wax u danna umadda iyo dalka-ba.
Ooto Biixi waxa uu saluugay qaabkii meeqaamka hoose ahayd ee Madaxweyne-SIILAANYO lagu qaabilay Xafladii Caleemo Saarka Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle,isaga oo ku tilmaamay inuu isagu daraygiisa is dhigay.
“Maalmahan waxa Somaliland aad looga hadal-hayey Xafladii lagu dhaariyay Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle, taas oo abuurtay muran baddan oo dadka reer Somaliland aad iyo aad uga xanaaqeen gudo iyo dibad-ba.Kadib markii Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) la fadhiisiyay meel meeqaam hooseysa, isaga oo la ag-fadhiisiyay mamul Goboleedyadii Soomaaliya. Waxaan qabilaabada Madaxweyne Siilaanyo ka odhan lahaa ‘Lax waliba shilarka ay is dhigto ayaa lagu qalaa, cid qori ku haysay may jirin ee wuu iska soo bixi karayay sidii ina Cigal-ba berigii Jabuutii uu tagay yeelay, Dawlada Jabuutina wax ay ku sameysay Somaliland ma jirto, Aflagaadaduna ma wanaagsana.”Ayuu yidhi Ooto Biixi Caalin.
Mujaahid Ooto Biixi Caalin waxa uu naqdiyay go’aankii ay Xukuumadda Madaxweyne-SIILAANYO ku kireysay Dekeda BERBERA,waxaanu yidhi “Go’aanka ay Xukuumadda Madaxweyne-Siilaanyo ku kireysay Dekedda Berbera maaha wax u dan ah umadda reer Somaliland, balse waxa uu ila muuqdaa oo kaliya sidii caaddada u ahayd dawladan inay lacag raadis uun tahay oo weliba ‘XAQUL-QALINA’, Hadaba goormaa lacagta laga dhergaa? Musuqmaasuqii ugu weynaa waxa uu dhacay intii ay jirtay dawladan Axmed-SIILAANYO, waxaana loo baahan yahay in Maxkamad lagu soo taago, oo ay balanqaadaan Murrashixiinta Madaxweynanimada ku tartamayaa inay Maxkamad soo taagaan Madaxweyne-SIILAANYO iyo xukuumaddiisa, haddii aan taa helin wax dawladnimo ah oo aynu heleynaa ma jirto, mid weliba inta uu dhaaansado ayuu iska tagayaa!!!!…..
Mat uu Ooto la hadlayay Dadweynaha reer Somaliland waxa uu yidhi“Dadweynoow waxaad rajo leedihiin maalintaad aragtaan murrashax Madaxweyne oo leh Xukuumadda iga horeysa wixii musuqmaasuqa ee ay sameysay maxkamad ayaan ku saarayaa, Hadaba waxaan leeyahay waa inaynu helnaa.”
Isaga oo hadalkiisa sii watana waxa uu yidhi “Umaddu waxay gaadhay inaanay cidna rumeysan, waana marxalad xun oo ay xukuumaddani gaadhsiisay, 25-sanadood ayaa umadda been loo shegayay Ictiraaf ayaan keenaynaa, Shidaal ayaa la soo saarayaa iyo arrimo kale oo baddan, Beentii Xukuumadda KULMIYE la isla arag, jawaabteediina waa taa diiwaangelinta ka dhacday, hadaba Caqligayaga ha caayina umaddan waxaad ugu maqan tihiin ma jirto, lacagtaas ayaad kala guranaysaan oo waxaad moodaa inay xukuumaddani u diyaar-garowday NAARTA oo ay ilowday JANADII iyo Xisaabtii AAKHIRO”.