|

Heshiiska Ceeryaanta: Xal mise Xujo?

Hargeysa 13, August 2012 (SDN)- Xukuumada Somaliland ayaa markii u horaysay Taariikhda Somaliland ay ku talaabsatay arrin ka hor imanaysa distoorka iyo qawaaniinta u degsan dalka,kadib markii ay Cadaysay in Ciidamadii Qaranka ee ku sugnaa Jiidaha Maygaagle iyo Sool Joogto ay dib uga soo rarayso,si taas badalkeeda ay u ajiibto dalab uga yimid weftigii uu hogaaminayay Saleebaan Xaglo toosiye oo ahaa Hoggaamiyihii Jabhadii SSC.

Arrintan ayaa dhalisay dareen ku wajahan Sababta Xukuumada ku kaliftay in Ciidamada Qaranka oo aan dhaafin Xuduuddii uu dalkani lahaa in dib loo soo raro oo la keeno Deegaanka Qoruugud, waxaana shaki la’aan in qadiyadani ay saamayn togan iyo dhabar wareenba ku keenayso hawlgaladii ciidamadu qaranku ku joogeen jiidaas.

Waxaa la isweydiinayaa ciidanka qaranku ma waxay joogaan deegaan ka baxsan Xadka Somaliland, hal celinta su’aashani waa mid fudud oo waa maya, manay jirin wax dhibaato ah oo ay ku hayeen dadka iyo duunyada ku dhaqan Sool Joogto iyo Maygaagle,iyadoo laga duulayo baaqii Madaxweynaha ee ku aadanaa gogosha nabada ee uu u fidayay gobolada Bari ma noqon kartaa in iyana ay dalbadaan in Ciidamada Qaranka laga soo qaado Laascaanood iyo Sanaag bari maadaama ay Xaq u leeyihiin in ay la marin noqdaan kuwa Buuhoodle

Kulankii 8 August Madaxtooyada ku dhexmaray Madaxweyne Siilaanyo iyo Saleebaan-Xaglatoosiye

Inkastoo Somaliland ay caan ku tahay Wada hadal lagu dhameeyo khilaaf kasta oo ku yimaada hadana ma aha wax indhaha laga qarsado in dalab kasta sidiisa loo fuliyo maadama uu saamayn ku leeyahay Qadiyada iyo Jiritaanka Qaranimada Somaliland.

Marka dhinaca kale la eego, heshiiskani waxa uu qaranimada wax ugu dhimayaa inaanay dadka heshiiska lala galay ka wada tarjumayn rabitaanka beelaha Buuhoodle iyada oo marka laga yimaaddo weftiga magaalada Hargeysa yimi, ay meesha ka maqan yihiin madax-dhaqameedkii ugu miisaanka cuslaa ee ay talada dadka deegaankaasi ka go’aysay.

Waxaanu mugdi ku jirin in siyaasiyaga Heshiiska qaranimada dhabar-jabka ku ah lala gaadhay, aanu saamayn la taaban karo ku lahayn deegaanka Buuhoodle  ka dib markii hoggaamiyeyaasha dhaqanka ee Beelaha kale ee Buuhoodle, ay Ciidamadii gacanta ugu jiray ku wareejiyeen maamul-ku-sheegga Khaatumo ee ka arrimiya magaaladaas.

Tallaabadani ayaa Xukuumadda Somaliland ku noqonaysa dhabar-jab weyn oo aanay ka fiirsan maadaama aanay xukuumaddu ilaa hadda shaacin wax la dhaafsaday heshiiska lala gaadhay weftiga Xaglo-toosiye haba ahaato in gacan-ku-haynta magaalada Buuhoodle la hoos keeno dawladda Dhexe ee Somaliland.

Waxa kale oo xusid mudan, Xukuumadda Somaliland markii ay heshiiska la galaysay Xaglo-toosiye, ma weydiisay inuu dammaanad-qaadayo inaanay soo weerarin ciidamada Qaranka marka dib looga soo qaado.

Si kasta ha ahaatee, heshiiska Xukuumadda Somaliland la gaadhay Xaglo-toosiye, ayey shacabka Somaliland u arkaan dhabar-jab qaranimadooda maadaama aanay muuqan dammaanad-qaad cad oo muujinaya in nabadi ka aslaaxdo guud ahaan gobolka Buuhoodle inta ay Somaliland debedda ka joogaan hoggaan-dhaqameedyada, aqoonyahanka iyo siyaasiyiinta waaweyn ee deegaanku u dhashay.

 

Xigasho: Ogaal

Comments are closed