Heshiis Saamayn ku Yeelanaya Somaliland oo ay Wada Gaadheen Wadamada Itoobiya,Sudan iyo Masar
Khartuum 25.March 2015 (SDN/QJ)- Dalalka Itoobiya, Masar iyo Suudaan ayaa magaalada Khartuum ee xarunta dalka Suudaan ku kala saxeexday heshiis isfaham oo ay ka yeesheen Biyo-xidheenka uu dalka Itoobiya dhismihiisa wado. Munaasabadan ka dhacday aqalka madaxtooyada dalka Suudaan oo ay ka soo qayb galeen raysawasaaraha Itoobiya Hailemariam Desalegn, madaxweynahaya Masar Cabdifataax Siisi iyo madaxweynaha Suudaan Cumar Al-Bashiir oo isagu martigelinta lahaa heshiiskana qayb ka ahaa ayaa lagu saxeexay heshiiskan.
Madaxweynaha dalka Masar ayaa khudbad uu ka jeediyey munsaabaddan waxa uu ku sheegay in Masar aanay wax cuqdad ah ka qabin horumarka Itoobiya, laakiin waxa uu ku dooday in shardiga ku xidhan taasi uu yahay in la ilaaliyo danaha Masar, isaga oo hoosta ka xariiqay in biyo xidheenka Itoobiya ay ka dhisayso dalkeeda oo afka amxaariga lagu yidhaahdo, Hidase Dam uu warwar weyn ku hayo dadka Masar, sida lagu sheegay war uu Qurbejoog ka soo xigtay shabakadda wararka ee Al-Carabiya.
Heshiiskan oo muddadii aan illaa hadda si rasmi ah loo shaacin waxa uu dhigayo ayaa muddadii la soo dhiraan-dhirrinayey waxaa ka hor yimid caqabado badan oo mararka qaarkood uu ku sigtay in uu burburo. Wakaaladda wararka Turkiga ee Anadolu oo soo xiganaysa ilo-xog-ogaal ah ayaa iyadu xustay laba qodob oo ay sheegtay in ay ahaayeen kuwii ugu adkaa ee ay isku mariwaayeen dalalka Itoobiya iyo Masar, laakiin aakhirkii dadaal diblumaasiyadeed oo xooggan kadib laga gudbay is-mariwaagaas. Labadaas qodob ee Masar iyo Itoobiya sida aadka ah isugu diideen bilowgii heshiiskan ayaa ay wakaaladda Anadolu ku sheegtay;
Qodobka koowaad oo dhigayey in mabaadi’da iyo qodobbada uu heshiiskani xambaarsan yahay ay noqdaan kuwo ku dhaqankoodu waajib yahay, arrintaas oo uu dalka Masar si gaar ah ugu dheggenaa, laakiin Itoobiya diidanayd.
Qodobka labaad ayaa isna ahaa dalka Masar oo dalbanayey in uu saami ku yeesho biyo-xidheenka Itoobiya oo faa’iido iyo khasaare dhaqaale kii ka yimaaddaba uu la wadaago. Masar waxa ay ku doodaysay in biyo xidheenka ay ku darsato lacag maalgashi ah ama in ay saamiyo ka iibsato.
Wakaaladda oo ay soo xiganaysay shabakadda Al-Jazeera ayaa intaas ku dartay in Itoobiya ay labadaa qodob si aad u adag u diidanayd, waxa aanay ku doodaysay in sida keliya ee heshiiskan ay Itoobiya ku saxeexi kartaa uu yahay in lagu daro qodob dhigaya, “In ay lagama maarmaan tahay in la ixtiraamo heshiiskan, laakiin aan waajib laga dhigin ku dhaqankiisa” Qodobka labaad ee saamiga lacageedna waxa ay Itoobiya kaga jawaabtay in arrintaas waqtigeedii uu mar hore ahaa oo muddo dheer ka hor laga soo gudbay, imikana aanay meeshaba oolin in saamiyo laga hadlaa.
Ilaha wareed ee ay Anadolu heshay waxa ay sheegayaan in Masar ay sidoo kale soo jeedisay in ay qayb ka noqoto maamulka sare ee biyo xidheenka Itoobiya, arrintaas oo sida uu warkani sheegayo ay Itoobiya ogolaatay, sidoo kalana la isla gartay in magaalada Addis Ababa ee xarunta dalka Itoobiya laga dhiso xarunta guddi joogto ah oo ah khubaro muwaadiniin ah oo la socda caqabadaha farsamo ee soo baxa inta uu dhismaha biyo-xidheenku socdo.
Mashruuca biyo-xidheenka Hidase Dam oo ay Itoobiya kaga faa’idaysanayso biyaha Niilka ayaa ay Masar ka qabtaa cabsi weyn oo ah in uu yareeyo saamiga ay ka hesho biyaha webigan oo ay imika boqolkiiba 87 iyadu si gaar ah u qaadato, halka dalalka Niilkuna ay inta soo hadhay si kala badsi ah u wadaagaan. Laakiin dawladda Itoobiya waxa ay sheegaysaa in Biyo-xidheenku faa’ido gaar ah u leeyahay dalkeeda, gaar ahana dhinaca koronto dhalinta, isla markaana aanu wax dhibaato ah u geysanayn biyaha gaadha dalalka Suudaan iyo Masar.
Sanadkii 2013ka ayaa ay Itoobiya bilowday dhismaha biyo-xidheenkan oo dhererkiisu gaadhayo 1’780 mitir jooggiisuna dhan yahay 145 Mitir, waxa aanay ugu talogashay in uu dhaliyo 6 Kun oo megawatt oo Koronto ah, taas oo marka uu dhismihiisu dhammaado sannadka 2017ka sida la qorsheeyey, ka dhigaysa biyo-xidheenka ugu weyn qaaradda Afrika, iyada oo lacagta dhismihiisa ku baxaysana lagu qiyaasay 4.7 Bilyan oo doolarka Maraykanka ah.
Dalka Masar oo saamiga ugu badan kelidii ka hela biyaha webiga Niilka, ayaa ka faa’idaystay heshiisyo ay dalalka webigani soo maro ama ka soo bilowdo la gashay sannadihii 1929kii iyo 1959kii. Laakiin khubaro badan iyo dalalka uu webigu soo maro oo dalka Itoobiya ugu horreeyo ayaa aaminsan in heshiiskaasi hadda waqtigiisu dhacay in isaga la isku sii dhejiyaana ay waqti lumis uun tahay.