Heshiis Qallin Ku Duugistiisu uu Hor Yaalo Madaxweyne Siilaanyo & Bixinta Bogcad Istiraatijiyadeed oo Qaranka Somaliland Qiimo weyn ugu fadhida
London 23. December 2016 (SDN/QJ):- Xogo hor leh oo ay qoreyso warbaahinta laga leeyahay wadanka Ingiriiska ayaa shaaca ka qaadaya inay jiraan, wada hadal qarsoodi ah oo ay yeesheen xukuumada Somaliland iyo Imaaraatka Carabta, kaas oo ay ujeedadiisu ahayd sidii Imaaraatka Carabtu ula wareegi lahaa garoonka Faca weyn ee diyaaruhu ka haadaan ee magaalada Barbara.
Warbaahinta laga leeyahay magaalada London ee magaceeda la yidhaaho Shephard-media kana faaloota arrimaha sirdoonka iyo ganacsiga, ayaa waxaa ay sheegtay in uu jiro hishiis qarsoodi ah oo mar hore, dhex-maray masuuliyiinta labada dhinac ee Somaliland iyo Imaaraatka Carabta.
Waxaanay sheegtay in loo qoondeeyey Imaaraatka Carabta in la siiyo meel kaabiga ku heysa, dekada iyo garoonka diyaaradaha ee Magaalada Barbara, dhulkaasina cabirkiisu uu dhan yahay 40-km.
Sida ay warbaahinta Shephard-media xustay waxaa ay Somaliland dhulkaas cabirkiisu intaas yahay ay ku badalaneyso tababarka ciidamada badda.
Wasiirka duulista hawada Somaliland Farxaan Aadan Haybe ayaa sheegay mar uu warbaahinta la hadlayay maalintii doraad aheyd inuu jiro hishiiskani, Madaxweynuhuna aqbalay, balse aan wali la sharciyaynin dhaqan galkiisa.
Dhawaan ayay aheyd markii xukuumada Madaxweyne Siilaanyo ay wareejisay dekada Barbara iyada oo ku wareejisay Imaaraatka Carabta.
Lama garan karo baahida dhabta ah, ee keentay in la wareejiyo garoonka istaraatiijiga ah ee magaalada Barbara.